Subscribe

DEG DEG: Askari Ka Tirsan Ciidammada dowladda Oo madaxa Xabad Isaga Dhuftay

Afrikada, Muqdisho:   Wararka inaga soo gaaraya ciidammada Soomaaliya ee dowladda federaalka ah ayaa sheegaya in askari ka tirsan dowladda uu madaxa xabad isaga dhuftay.

Askariga dhintay ayaa joogey mid ka mid ah xaafadaha Muqdisho gaar ahaan Xaafad ka mid ah Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Askarigani ayaa waxaa uu isku fakiyey hub Bistoolad ah oo uu ku dheel dheelayey sida goobjoogeyaal ay sheegeen.

Dadka Degaanka ayaa xaqiijiyey in askariga uu isku fakiyey Bastooladda wax yar kadib isaga oo si kaftan ah ugu ciyaaraya, waxaase nasiib darro ku rumowday in xabad toos ah ay ku qaraxdo oo madaxa isaga dhuftay.

Askariga waxaa loola cararay dhanka isbitaalka balse askariga ayaa u dhintay dhaawaca madaxda ka soo gaaray oo ahaa mid culus.

Dadka isku dila Muqdisho, nolol xumo iyo jaha wareer awgood, ayaa waayihii dambe ku soo badanayey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, tani oo diinteenna suubban ay mamnuucday, Qofka ayaa naftu waxa ay ku tahay ammaano Eebbe u dhiibtay waana in uu ku sabro waxa ay naftiisa u qoran oo qadar ah, oo uusan dilin nafta, haddii kale waxaa loo balanqaaday cadaab aad u daran.

READ  XOG: Madaxweyne Farmaajo oo ka badbaaday qorshe lagu qaarajin rabay & Sirdoonka Dowladd Shisheeye ah oo ka dambeysa...


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 14/08/2018
- Aug 15, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Wasiir Cawad: “Waxaan Dhexdhexaadineynaa Eritrea iyo Jabuuti” (Waa Socon Weynaye aan Orodno?)
- Aug 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo ...
%d bloggers like this: