Ciidamada Xoogga Dalka Ee Gobolka Gedo Oo Qabtay Hub iyo Saanad

Afrikada, Muqdisho:   Ciidammada Xoogga Dalka saldhigooda weyn ee ku yaal gobolka Gedo ayaa gacanta ku dhigay hub culus iyo rasaas ay wateen kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa isku dayeysay ay bar kontrool ka gudbiso hubkaasi. Barta Kontrool ee ay ka soo gooshinayeen ayaa ku taalla magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

“Waxaan qabanay Hub gaaraaya 20 qori oo Nuuca Beeka-Em ah iyo Sanduuqyo gaaraya 50 oo ay ku jiraan Hubka Nuucyadiisa kala duwan oo loo isticmaalo Qoryaha kala duwan sida waxa Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhanka kale Ciidamada ayaa la tilmaamay in ay qabteen Saddax Nin oo la sheegay in ay wateen Hubka,kuwaas oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Dagaallmayaasha Kooxda Al-shabaab.

Al-Shabaab ayaa aalaaba isku diyaariya mar walba in ay weeraro ku qaadaan baraha ay dowladdu ku leedahay gobollada dalka.

Ciidammada dowladda ee Gobolka Gedo ayaa iyagu ah kuwo aad u ad-adag isla markaasina Al-Shabaabku waa ay ka soo carareen nawaaxigaasi gobolka Gedo.

Sawirka xubnaha ciidammada milleteriga federaalka Soomaaliya (SNA), waqti lagu jirey munaasabad tababar ay u soo xirtay AMISOM, 14-kii bishii Agoosto sanadkii 2012-kii. Ciidammadan ayaa dhammaa 660 askari waxaana tababar ay ku soo qaateen xerada milleteri ee Bihanga, Uganda kuwaasi oo bartay habka Kumaandooska, kana kooban 48 cutub oo loo qalabeeyay farsamada dagaalka & sugidda amniga. . REUTERS/African Union-United Nations Information Support Team/Stuart Price/Handout. 

READ MORE:  DAAWO MUUQAAL CUSUB: Madaafiicda Oo hoos la isugu dhigayo+Iyo Rasaasta Oo dhaceysa TUKARAQ

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->