XOG: Madaxweyne Farmaajo oo ka badbaaday qorshe lagu qaarajin rabay & Sirdoonka Dowladd Shisheeye ah oo ka dambeysa… | Afrikada

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo ka badbaaday qorshe lagu qaarajin rabay & Sirdoonka Dowladd Shisheeye ah oo ka dambeysa…

Afrikada, Muqdisho:   Xog laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in uu shirqool loogu tala galay in lagu dilo Madaxweynaha Dowladda Fedeaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo 14kii July 2018.

Xogtu waxay intaas ku daraysaa in shirqoolkaas la qorsheeyey in uu dhaco xiliga uu Madaxweyne Farmaajo u safri lahaa ka qaybgalka shirkii looga hadlayey arrimaha Soomaaliya ee lagu qabtay magaaladda Brussels ee dalka Beljimka.

Nooca shirqaaolkaas ayaa la sheegay inuu ahaa mid la xiriiray qaraxyo mataano ah oo la doonayey in lagu burburiyo gaariga uu Madaxweynuhu la socdo.

Sirdoon dowlad ajnebi ah ayaa xogtu sheegaysaa inay Madaxweynaha uga digtay shirqool la doonayo in lagu khaarijiyo, kaasoo lagu soo beegayo xiliga safarkiisa.

Haseyeeshee 14kii July ayaa qaraxyo mataano ahi waxay ka dhaceen meel u dhow Madaxtooyada Villa Soomaaliya xili uu Madaxweynuhu ka maqan yahay Madaxtooyada, balse lagu soo beegay waktiga uu Madaxtooyada ka soo bixi lahaa, waxaana la xaqiijiyey in mudo 30 daqiiqo ah oo keliya ay u dhexeysay markii uu Madaxweynuhu Villa Somalia kaga baxay wado kale oo aheyn tii laga sugeyey ee qaraxyadu ay ka dhaceen.

READ MORE:  DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 13/08/2018

Kooxaha weerarka fuliyey ayaa lagu soo waramayaa inay ku labisnaayeen direyska cusub ee Guutada 43aad loo qaybiyey xili dhoweyd oo ay tababar u soo dhamaaday.

Ugu yaraan qaraxyadaas waxaa ku dhintay Lix qof oo ay ka mid ahaayeen kuwii weerarkaas fuliyey, waxaana sheegtay masuuliyadda qaraxyadaas ururka Al-shabaab.

Xil ka qaadista Ku Xigeenadda hay’ada NISA

Saraakiil sar sare oo ka tirsan hay’ada sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa warku sheegayaa inay wax ka ogaayeen shirqoolka la doonayey in lagu khaarijiyo Madaxweynaha.

16kii July Qoraal ka soo baxay agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa shaqada lagaga joojiyey laba Ku xigeen ee hay’adda NISA.

Cabdalla Cabdalla Maxamed oo ah Taliye xigeenka koowaad ee NISA iyo Cabdulqaadir Maxamed Nur Jaamac oo ah taliye ku xigeenka Labaad ayaa Labadaba waxaa xilkaas horay ugu magacaabay Madaxweyne Farmaajo bishii May ee sanadkii la soo dhaafay.

C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa xogtu sheegeysaa in uu horay uga tirsanaan jiray ururka Al-shabaab, balse mar danbe oo uu sheegay inuu ka soo tegay xilli uu xilkan ka helay Dowladda Federaalka soomaaliya.

READ MORE:  DAAWO: TUKARAQ Oo Madaafiicdu Dhaceyso Iyo Muuse Biixi Oo U khudbadeeyay Sidii MOORYAANTII Sanadkii 1991-kii..?

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->