Subscribe

Somaliland Oo meelo Qaldan ka raadineysa Aqoonsi Caalami ah DAAWO LA YAABKA

Afrikada, Somaliland:   Wadanka ugu dhow in uu Somaliland u aqoonsado dowlad gaar u taagan ayaa isagu ahaa wadanka Itoobiya, hase yeeshee nasiib darradii waxaa dhowaan dalkaasi uu irdaha isugu dhuftay qunsulayadii ay Somaliland ku lahaayeen magaalada Addis Ababa.

Somaliland oo goosashadeedu ku soo beegantahay xilli ay farcankii siyaasiyiinta dalka ayaa iyagu fursad u helay in ay 1992-kii  shacabka Waqooyi ka gooyaan dhanka Koonfurta Soomaaliya. Waa gobol yar oo aan weli wax cilaaqaad ahi maamulkiisu la sameynin dhanka Koonfurta, tani oo muujineysa in xiriirkii sokeeyaha ay u gooyeen Koonfurta oo walaalo dhow la ah, Qaraabo goysnimadan ayaa ay Waqooyigu dagaallo iyo abaaro ku fiirsanayeen walaalahood muddo badan, Somaliland-ku sababta ay u jareen reer Koonfurka ayaa ah mid duruufo xagga amniga ah ay ku naceen Koonfurta.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Waxaadna taas ku ogaataa in dowladda Cali Mahdi aysan Waqooyigu soo bandhigin wax “Proposal ah” iyadoo la bedqabo, xilligaas oo haddii ay go’i lahaayeen la dhihi lahaa waa niman ay daacad ka tahay dhul goosiga.

READ  DHAGEYSO: Odayaasha & Waxgaradka Laascaanood Oo yeeshay kulan Xasaasi ah

Somaliland waxa ay ka sii ordeysaa duruufta dagaallada ee kama ordeyso Koonfurnimada Soomaaliya sida muuqata waxaana arrintani ay tahay mid duruufaha walaalaheed haddii ay ka carartay taasi aysan aheyn ‘Diblumaasiyad Goosasho’ ee ay tahay “naceyb jinsi” ku dhisan, taasi oo aanan qoraalkeyga ka reebaynin in xoogaa naceybkaasi oo kale ah iyaguba lagula soo dhaqmay, waagii ay Xamar hoos tagi jireen.

Maanta Somaliland waxa ay aad aqoonsi ugu dhow dahay hadba inta ay Muqdisho u dhowaato, reer Muqdisho-na waa ay ogyihiin in haddii Somaliland la aqoonsado ay Soomaalidu heli doonaan meel amni ah oo ay magan-galaan sida ay NFD u degeen oo kale.

Waxaa ceeb weyn ah in Somaliland ay ciidamo ku soo dari waysay AMISOM, waxaa kale oo ceeb ah in ay Somaliland lacago badan ka shaqeysato Koonfurta iyadoo leh shirkado ganacsi oo waaweyn sida Dahabshiil oo kale, kuwaasi oo ku mashquulsan in ay Koonfurta lugta ka sii gooyaan.

Waxaa CEEB WEYN ah in Somaliland aysan wax samo fal ah u soo dirin walaalaheed Koonfureed xilli adag ee dhibaatooyinka rabaaniga ah ay ka jireen dhulka Koonfurta, waxaa siyaasadda ugu fiicani tahay in aad “dareento Xushmad adigoo gooni goosadnimadaada niyadda ku heystana aad metasho wadan gurmad fidinaya oo kale, si la mid ah sida walaalaha Jabuuti iyo Kenya Oo kale.

READ  AMISOM Oo ka baxeyso garoonka Stadium Muqdisho

Akhristow mid OGSOONOW, waana in haddii Somaliland ka sii cararto SAMOFALKA sokeeyaheeda aysan meelna gaareynin oo ay iyada Oo aan la baryeynin ay Soo laaban doonto, mid ka mid ah maalmaha.

Koonfurtuna ma baryeyso welibana feker badan kuma heyso soo laabashadaas. Sababtoo ah marka hore Somaliland waxa ay jartay xiriirka ilaahey, ee in la isku gurmado, marka xigana kii derisnimo, marka 3-aadna dhibaatada meesha taal oo aysan dheg jalaq u siinin, in ay sii huriyaan mooyee.

“Baaqa Beesha Caalamka qaba fekerkaa ah in Somaliland ay Aqoonsiga ka raadsati walaalaheed Koonfurta Soomaalida kuwaasi oo arrintani ay Khuseyso Shacabka Koonfurta ayey jirta Haddii ay Aqlabiyad u qaadayaan iyo haddii kaleba, Waana in Somaliland ay Diblumaasiyad iyo Caqli adeegsato iyadoo fiirsaneysa sida Dadkeeda u danta ah ama ay siyaasad ahaan isku raacsan yihiin, iyadoon hareermarin, waa in Waqooyigu ay ictiraafka ka raadiyaan Meeshii ay iyagu markii hore Ictiraafka geeyeen oo ah Muqdisho, si ay dib ugu hesho ictiraaf caalami ah, si weliba ay sharafi ku jirto-na ay walaalaheed ugu dhowaato helista aqoonsigaas”

HALKA HOOSE KA DAAWO:

HALKA HOOSE KA DAAWO:

 

READ  DAAWO: Kheyre Oo U khudbeynaya "Ciidamo Cabsi Darteed Xero Ku Dhex Wareegaya Xilli Al-Shabaab ay Leedahay "Car Kaalaya Banaanka Iskeena+Xerada ka soo baxa"

HALKA HOOSE KA DAAWO:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 14/08/2018
- Aug 15, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Wasiir Cawad: “Waxaan Dhexdhexaadineynaa Eritrea iyo Jabuuti” (Waa Socon Weynaye aan Orodno?)
- Aug 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo ...
%d bloggers like this: