Subscribe

M/weyne FARMAAJO: “Awood Milleteri ayaan ku Xalinayaa magaalada Muqdisho..!!!”

Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray amar lagu sheegay in amniga magaalada Muqdisho gacanta loogu geliyay guutada 14-ka Octoober oo ka tirsan Millatariga Soomaaliy.

Amarka ayaa markii uu soo baxay waxaa durba ciidammada kor ku cayiman ay bilaabeen in ay la wareegaan baraha kontaroolada qaar ee gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedyada magaalada ku yaal.

Arrintan ayaa la yaab ku dhalisay dadweynaha Muqdisho iyaga oo isweydiinaya: ‘Yaa markii horeba Muqdisho ka talin jirey, jaa dadka dhibaateyn jirey? inteyse ka imaan doonaan, burjiga cusub ee ay la imaandoonaana muxuu noqon karaa? Maxay tari karaan ciidammo afka laga yiraahdo waa milleteri, muddo kadibna la arko iyagoo sidii rootiga loo raamsanayo?’

Goobaha ciidankan la cayimay la dhigay waxaa ka mid ah Siinka-dheer, xerada Maslax, Galgalato iyo kontroolada ku yaala wadada warshadaha sidoo kale kontroolada kale ee gudaha magaalada ku yaala ayaa lagu wadaa in maanta iyo berri ay la wareegaan sida la sheegay.

READ  Xoogga Dalka: "Axmed Madoobe ayaa ka dambeeyay Guuldarradii ku Dhacday Ciidanka Dowladeenna"

Arrimahan ayaa soo baxaya xilli madaxweynuhu la kulmay ciidmada guutada 14-ka Oktoober kuwaasi oo madaxweynuhu ku amray in ay iyagu sugaan amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Guutada 14ka Octoober ayaa ah Ciidamo ka tirsan Millatariga Soomaaliya kuwasi oo la aasaasay kadib qaraxii weynaa ee ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 14-kii Oktoober ee sanadii la soo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa waxaa heysta macluul siyaasadeed isaga oo siyaasadiisu ay ka badin weysay magaalada Muqdisho, xilli loo dhaariyey in uu maamulo min Raas-Kambooni ilaa Raas-Caseyr.

Shacabka ayaa dhabana-heys kala kulmaya hadalka cusub ee madaxweyne Farmaajo iyaga oo maadeysi u arka ‘Hadallada Waqti Dhameyska ah ee dowladda Farmaajo ku madadaalineyso bulshada” Su’aalaha maanka dadweynaha ka dhex guuxaya ayaa ah ‘Maxaa ay damacsan yihiin ciidammada ku dhex meeraysanaya caasimadda Muqdisho ee difaacan waayey aagagii dagaal ee loogu talo galay?’

Sidoo kale maamulka in milleteri la dhex geeyo shacab rayid ah ayaa ah mid ka hor imaaneysa shuruucda caalamiga ah ee bani’aadanamida, waxaana ay xaaladda Muqdisho ku noqoneysaa xilligii kufsiga iyo tacadiga loo geysan jire dadka rayidka ah ee aan waxba galabsanin, iyadoo lagu fasaxayo niman aad u ooman oo loogu talo galay in ay duurka ka dagaalamaan.

READ  R/W Kheyre: "Uma Dul Qaadan Doono Cidii Dalkeena dib u Celinaysa"

MUUQAAL LA YAAB LEH:-R/W KHEYRE OO ASKARI WADNAHA KA TAABANAYA ISAGOO WEYDIINAYA: “MAXAAD KA CABSANEYSAA..?”

 

 

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 14/08/2018
- Aug 15, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Wasiir Cawad: “Waxaan Dhexdhexaadineynaa Eritrea iyo Jabuuti” (Waa Socon Weynaye aan Orodno?)
- Aug 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo ...
%d bloggers like this: