Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Oo amray in la xaliyo cabashada xujeyda

Afrikada, Muqdisho:    Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in kol dhow si deg deg ah loo xalin doono cabashadaka taagan arrimaha xajka.

Xilli uu maanta la kulmay guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimaha diinta ee golaha shacabka ayaa waxaa uu kala hadlay arrinta ku saabsan Xajka, xaaladaha xabsiyada dalka, sharciyada guddiga ay gacanta ku hayaan iyo qodobo kale.

Guddiga ayaa guddoomiyaha golaha shacabka warbixin ka siiyay halka ay marayaan dadaalada lagu xalinayo khilaafka ka dhashay arrimaha Xajka iyo cabashada xujeyda.

Intii uu kulanku socday ayaa waxaa ay ka wada hadleen guddiga garsooka iyo guddoomiyuhu xaalada ay ku sugan yihiin maxaabiista xabsiyada dalka ku xeran iyo xaalada guud ee xabsiyada dalka.

Guddiga ayaa soo bandhigay jadwalka ay ku shaqeynayaan iyo kulamo ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiga ku bogaadiyay howsha ay wadaan.

READ MORE:  DAAWO: C/raxmaan Beyle: "42 Milyan ayaa dowladda Uga baxeysa Soo Daabicidda Lacagta Cusub"

Guddoomiyaha ayaa guddiga faray in si deg deg ah loo xaliyo cabashada xujeyda Soomaaliyeed.

” kulankeena maanta waxa uu ahaa kulan muhiim ah, Xubnaha guddiga waxa kula dardaarmay iney si laba jibaaraan shaqooyinka ay hada hayaa, aad aya ugu qancay warbixinta ay ila wadaageen” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Habdhowraha golaha shacabka Mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux).

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->