DEG DEG: Rag HUBEYSAN Oo sarkaal ku dilay Muqdisho | Afrikada

DEG DEG: Rag HUBEYSAN Oo sarkaal ku dilay Muqdisho

Afrikada, Muqdisho:   Dabley hubeysan ayaa galabta suuqa weyn ee Bakaaraha Ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA.

Dableyda ayaa 5 xabadood ninka kaga dhiftay kaasi oo markiiba ku naf-baxay goobta, iyadoo meydka ninkan uu yaalley Boosteejada Wayn ee Suuqa Bakaaraha, waxaana goob joogeyaashu sheegayaan in ninku uu dhabaha iska marayey keligiis.

Sarkaalka ayaa lagu magacaabaa Ismaaciil Ciriiri, warar ayaa sheegay in goobta ninka lagu dilay ay ka agdhowaayeen sirdoon kale oo NISA ka tirsan.

Ciidamada NISA oo ka agdhawaa goobta dilka uu ka dhacay ayaa durbadiiba tagay goobtaasi waxayna xireen wadada, iyaga oo halkaasi ka sameeyay hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay.

DAAWO SIDA DILKU U DHACAY:

Sarkaalka la dilay ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu horey u soo noqday Taliyihii Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee degmada Waaberi.

Dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho, shalay oo ugu dambeysay degmada Dharkeynley waxaa lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka Millatariga Soomaaliya.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: 2 Qabiil Oo Doonaya in la rido Xukuumadda Kheyre Iyo Farmaajo?
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa shalay loo ...
Farmaajo Oo ay ka soo Baxday Qiyaanadii iyo XAQII Prof. JAWAARI? Ninkii uu soo magacaabay Oo dhabarka ka toogtay?!! AKHRI YAABKA
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa kacsan xaaladda magaalada Muqdisho iyada oo Mooshinki laga keenay madaxweyne Farmaajo uu ...
DHAGEYSO:-Jahwareerka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxda Dowlada.
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sideed bil oo kaliya ka soo wareegtay markii sidaan oo kale jahwareer siyaasaded ...
Qarax dhimasho geystay oo ka dhacay Garasbaaley, Muqdisho
- Dec 9, 2018
Afrikada, Muqdisho: Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan ...
Dowladda Qadar Oo ku gacan Seyrtay Casuumadii Boqor Salmaan
- Dec 9, 2018
Afrikada, Dooxa: Wadanka Qadar wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in amiirka wadankaasi uu ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->