Subscribe

Dab ka Holcaya Giriigga iyo Tirada Dhimashada Oo kor U sii kacaysa

Afrikada, Greece:  Tirada dhimashada dabka ka kacay wadanka Greece ayaa kor u sii kaceysa 50 qof ayaa dhintey, tiro kalena wa aay dhaawacmeen iyadoo dabku sii xoogeysanayo.

Dabka ayaa ka holcaya meel lagu magacaabo Mati oo 30km u jirta caasimadda wadankaasi ee Athens. Waxaa uu dabku yahay mid sii fidaya iyadoo dabeylo iyo cimilada oo xun awgeed uu dabku qabsanayo guryo iyo geedo waaweyn.

Wadammada kale ee Yurub ayaa horey u mamnuucay in Griigga haddii dhib kale qabsado uusan wax gurmad ah ka dalban karin dalalka kale ee Yurub, tani oo u soo jiideysa dhibaato kale oo ah in uu Giriiggu isku tashado haddii uu la kulmo musiibooyin noocey doonaanba ha ahaadeene.

Kulayl daran ayaa ka jira wadammada Yurub iyadoo wadammo badan oo reer Yurub ah ay kulalka dartiis gubanayaan.

Dowladda Giriigga ayaa weydiisatay Midowga Yurub in ay ku caawiyaan gawaarida dab demiska ah si ay geedaha gubanaya u demiso.

SWEDEN

Maalmihii la soo dhaafay, dabka duurka ka holcaya ayaa dhaliyey khasaare baahsan oo Waqooyiga wadammada Yurub ka dhacay.

READ  DAAWO SAWIRADA:Ciidamadii Qardho Oo gaaray Jiida Hore ee Tukaraq

Dhinaca wadanka Sweden ayaa waxaa lagu arkayaa abaar aan weli indhaha la saarin iyadoo cimiladuna ay mareyso meeshii ugu xumeyd muddo qarni ah.

Isniintii, ayaa wadanka Sweden ee Waqooyiga Yurub dhaca waxaa hey’addiisa magangelinta qaranku ay sheegtay in dalka ay ka dhaceen 27 gubasho oo duurka ka dhacday halka cimiladu laga cabsi qabo in ay kor ugu kacdo 35 Celsius asbuucan aynu hadda ku jirno.

Dalal kale ayaa caawinaad siiyey Sweden kadib kulalkaasi daran oo burburiyey 25,000 oo hektar oo u dhiganta nawaaxi bedkiisu ku labo jibaarmo caasimadda Paris oo kale, dalalka u gurmaday Sweden waxaa ka mid ah Faransiiska, Talyaaniga iyo Jarmalka kuwaasi oo u diray diyaarado gawaari waaweyn si ay ula tacaalaan holaca ka socda wadankaasi Sweden, xilli Xagaaga caadiga ah ay cimiladiisu gaareyso ilaa darajada kulaylka ee 23 Celsius.\

Roobab lama helin ilaa bishii May wadankaasi Sweden, tani oo dadka meelaha fog fog degan laga soo rarayo iyaga oo loo soo rarayo dhanka bani’aadamka kale.

READ  Imaaraadka Carabta: "Aad iyo aad ayaanu u adkeyn doonnaa midnimada Soomaaliya"

Waaxda duurjoogta Sweden ayaa sheegtay in Isniintii la soo dhaafay dhirta dabku gubay ay u dhiganto maaliyad dhan 900 milyan oo lacagta kronor ee dalkaasi (87 million euros, $102 million).

Dhinacayada kale sida wadanka Finland Waqooyigiisa gaar ahaan gobolka Lapland ayaa dab xooggan ka jiraa waxaana uu dabkaasi kacay uu gubayaa xitaa cowska dhulka isagoo ku sii jeeda dhanka barafleyda xuduudka Ruushka.

Norway, iyadu waxa ay aragtay bilaheedii ugu kululaa bishii May oo rikoorkii ugu khatarsanaa ay soo martay waxaase weli jira dab meelo kala duwan si koob kooban uga holcaya, hal dab demis ayaa uu dilay dabku bishan Luulyo 15-keedii isaga oo la dagaalamaya dabka.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 14/08/2018
- Aug 15, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Wasiir Cawad: “Waxaan Dhexdhexaadineynaa Eritrea iyo Jabuuti” (Waa Socon Weynaye aan Orodno?)
- Aug 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo ...
%d bloggers like this: