DAAWO SAWIRADA: Shir Dib U heshiisiin ah Oo Imaaraadka Carabta Uga Furmay Abiy Ahmed iyo Esias Afewerki | Afrikada

DAAWO SAWIRADA: Shir Dib U heshiisiin ah Oo Imaaraadka Carabta Uga Furmay Abiy Ahmed iyo Esias Afewerki

Afrikada, Abu Dhabi:     Wararka ka imaanaya isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa shir gudoomiyaya Maxamed Bin Zayed oo isagu ah dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta.

Sawirada warbaahintu qaaday ayaa lagu arkayaa Dhaxal-Sugaha Imaaraadka oo abaal marinta ugu sareysa ee dalkaas guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, kaddib markii si wadajir ah loogu casuumay magaalada Abu Dhabi.

2-da Hoggaamiye ee Eritrea iyo Itoobiya ayaa todobaadyadii u dambeeyay ku guuleystay in ay hirgeliyaan heshiisyo caalami ah kuwaasi oo galay taariikhda kadib markii ay dib u soo ceshadeen xiriirkoodii diblumaasiyadeed oo kala go’naa muddo 20-sano ah.

Imaaraadka Carabta ayaa door muuqda ku lahaa heshiiska labada dal ee deriska ah, taasoo lagu soo afjaray dagaaladii iyo colaadii labada dal Eritrea iyo Itoobiya u dhaxeysay.

Bin Zayed ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid taariikhi ah in labada Hoggaamiye ee labada dal ee deriska ah inay ku soo afjaraan isku dhacyadii u dhaxeeyay, isla markaana u furaan qaabab cusub oo wada shaqeyn iyo wadajir ah.

READ MORE:  DAAWO SAWIRADA: Dastuurkii Soomaaliya Oo AF-CARABI lagu Soo Bandhigay Iyadoo Kii AF-SOOMAALIGA ahaa SU'AALI ka Taagan tahay?

Waxaa uu sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay taageerayaal muhiim ah u yihiin dadaal kasta oo nabad iyo xasilooni loogu gaarayo Gobolka iyo danaha dadka Gobolka.

Saameynta Imaaraadka Carabta ee Gobolka Geeska Afrika ayaa isa soo taraysay sanadihii u dambeeyay, waxaana loolanka ugu weyn ee dalalka Khaliijka iyo Turkiga uu yahay dalalka kulaala Badda Cas oo ay Soomaaliya ku jirto.

Madaxweynaha Eritrea ayaa intii uusan Imaaraadka Carabta u duulin waxa uu sii maray wadanka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya halkaasi oo uu kulan la qaatay boqorka wadankaasi kadibna u sii gudbay UAE, Abu Dhabi.

Muuqaallada ayaa muujinayey Amiirka Dhaxal-sugaha oo bilado Dahab ah qoorta u qelinaya labada hogaamiye isaga oo uga mahadceliyay sida ay u heshiiyeen iyo doorkooda amniga gobolka.

SOMALIA:

Arrintani ayaa looga maseyrsiinayaa Soomaaliya si looga faa’iideysto fursadaha ay sanado badan iska dhuminayeen maamullada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaa kale oo Imaaraadku doonaayaa in uu jihada ka qaso siyaasadda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isagu durba xaalkiisa Muqdisho uusan fiicnayn isla markaasina ku hungoobey xiriirka uu la yeesha wadanka go’doonsan ee Qatar.

READ MORE:  DAAWO: Puntland Oo raalli gelin ka bixisay hadal dhowaan ka soo yeeray M/weyne Cabdiweli Gaas?

Dalka Qatar ayaa iyagu muddo badan kaalmeyn jirey shaqsiyaadka argagixisada ah, iyo weliba ururo waaweyn oo caalamku la dagaalamaan, iyadoo markii la go’doomiyey ay Soomaaliya garab istaagtay wadankaas.

Waxyaalaha Soomaaliya ka fakaday waxaa ka mid ah iyagoo Villa Soomaaliya ku adkeysan weysay dhex-dhexaadnimadii ay u balanqaaday dunida, xilli la arkay Farmaajo oo Qatar u janjeersaday isaga oo aan weli laga arkin wax uu ka dheefayo oo aan ka aheyn in beeshiisa ama shaqsiyaad saaxiibo la ah uu ka naas-nuujiyey faa’iidada yar ee dowladda Qadar bixiso.

Waxaa sidoo kale guuldarro la dhex fadhiisiyey heshiiskii Turkigu rabey in uu kala dhex dhigo Somaliland iyo Soomaaliya kaasi oo laga metalayo sida dhinaca Itoobiya iyo Eritrea loogu weeciyay heshiisiinta noocaas ah.

Imaaraadka Carabta Oo dekadda Casab ciidankiisu heystaan ayaa balaayiin doolar geliyay in uu isku keeno Eritrea iyo Itoobiya isaga oo sheegay in waxa ay isku heystaan ay tahay mid micno darro ah, kadibna siiyey labada wadan mashaariic waaweyn iyo lacago maalgelin baaxad weyn ku fadhiya.

READ MORE:  WAR DEG DEG AH oo inaga soo gaaray TUKARAQ?

SAWIRADA:

Amiirka Dhaxal Sugaha Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan (2nd-L) oo qaabilaya ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya Abiy Ahmed (L) iyo madaxweynaha wadanka Eritrea Isaias Afwerki (3rd-L) Xarunta madaxtooyada caasimadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta Ee Abu Dhabi. (July 24, 2018. (Photo by KARIM SAHIB / AFP) (Photo credit/KARIM SAHIB/AFP/Getty Images)

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->