Britian Oo Si adag uga hadashay rag ka tirsanaan jirey argagixisada | Afrikada

Britian Oo Si adag uga hadashay rag ka tirsanaan jirey argagixisada

Afrikada, London: Wadanka Ingiriiska ayaa doonaya in uusan cafinin rag Mareykanka jooga kuwaasi Ka tirsanaan jirey ururka mintidiinta Daacish.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Britain Sajid Javed ayaa u sheegay Maraykanka in dalkiisa uusan is hortaagi doonin in xukun dil ah lagu fuliyo 2 nin oo lagu eedeeyay in ay xubno ka ahaayen kooxda Dowladda Islaamka.

Wasiirka ayaa dhambaal u diray mas’uuliyiinta Mareykanka dhambaalkaasi oo uu ku sheegayo in Britain ay ka caawini doonto Maxkamadeeynta labo xubnood oo ka tirsanaa koox musiibo aheyd oo la yiraa Beatles Gang, kuwaas oo la rumeysanyahay inay ku lug lahaayen gabood faladii ugu xumaa ee abid ka dhaca dalka Suuriya.

Waxaa jira tuhun ah in raggani mar hore ka toobad keeneen arrinkani balse dowladda Britian ayaa arrinkani gaashaanka ku dhufatay.

Labada nin ayaa waxaa Mareykanka u wadey ciidammada Mareykanka ee ka barbar dagaalamayey Kurdishka Suuriya, si Mareykanka looga dhageysto dacwadooda. Ha yeeshee, Sajid Javid ayaa golaha wasiirada ee Ingiriiska ka nixiyay kadib markii uu madaxda Mareykanka ugu baaqay in raggaasi aysan istaahilin wax ka yar daldalaad.

READ MORE:  DAAWO VIDEO: Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Dhegta U Dheereeyay 13 Nin Oo Ku kacay Falal Amar-Diido ah?

Majala the Times ayaa sheegtay in wasiirada Ingiriiska aysan ku feker aheyn Sajid Javid xilli go’aankaasi uu wasiirku qaatay ay ku tilmaameen in uu muujinayo ad adeyg siyaado ah oo ka dhan ah xukunka ku aadan raggan.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->