Subscribe

WAR CUSUB: Dowladda Soomaaliya Oo shaacisay in 87 maleeshiyaad Al-Shabaab ah Meydadkooda ka Gurteen Saldhigga Baar-Sanguuni

Afrikada, Muqdisho:  Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa shaacisay in 87 qof laga dilay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarka ku soo qaaday saldhigyada Baar-Sanguuni ee Jubaland.

Waxaa saldhigaasi ciidan fadhiyey ciidamo reer Jubaland iyo federaal isugu jira kuwaasi oo ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isxaaq Cali oo u waramayey Wakaaladda SONNA ayaa u sheegay SONNA in Ciidanka Xoogga dalka ay toogteen ilaa 87 ka tirsanaa Al-shabaab.

Dagaalameyaal Hubeeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii hore ee saaka waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamadda Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin Deegaanka baar Sanguuni ee gobolka jubadda hoose.

Weerarku waxaa uu ku billowday Labo gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray, waxaana xigay dagaal toos ah oo Dagaalameyaal Al-shabaab ka tirsan ay ku qaadeen Ciidankii fadhiyay Saldhigga baar sanguuni

Dhinacyada kale, Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegay ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Jubbaland oo qaaday weerar rogaal celis ah ay si buuxda ula wareegeen buundada caanka ah ee Araare, sida lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

READ  DAAWO: Jubaland Oo lacag Kaash ah Gudoonsiisay Nin 'Qaatil' ah Oo Al-Shabaab ka tirsan

Waxaa sidoo kale soo ifbaxeysa in Al-Shabaab la hormareen wararka probogaandada ah balse ciidanka xoogga dalka ay iyagu dilalka iyo khasaaraha ugu badan gaarsiiyeen kooxaha Shabaab.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 14/08/2018
- Aug 15, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Wasiir Cawad: “Waxaan Dhexdhexaadineynaa Eritrea iyo Jabuuti” (Waa Socon Weynaye aan Orodno?)
- Aug 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo ...
%d bloggers like this: