REUTERS: Ciidammadii Baar-Sanguuni Joogey Duurka ayey u Carareen+27 ayaa laga dilay Ciidanka Dowladda !! | Afrikada

REUTERS: Ciidammadii Baar-Sanguuni Joogey Duurka ayey u Carareen+27 ayaa laga dilay Ciidanka Dowladda !!

Afrikada, Jubaland:  Waxaa soo kordhaya wararka laga helayo dagaalkii saaka dhex maray Al-Shabaab iyo ciidammada Jubaland ee fadhiya saldhigga Baar-Sanguuni.

Ciidammadani XDS ayaa laga soo sheegayaa in ay dagaalami waayeen.

Warkani oo ay shaacisay wakaaladda wararka ee caalamiga ah ee Reuters ayaa lagu baahiyey jaraa’iyada caalamka waxaana la sheegay in saaka aroortii weerar ba’an ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku harqiyeen saldhigaasi ciidan ee dowladdu maamusho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in 27, inta ilaa hadda la ogyahay, laga dilay ciidanka dowladda, ma jirto wax dhimasho ah oo laga soo sheegay dhinaca Shabaab,

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo werisay afhayeenka Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab: “Waxaanu dilnay 27 askari, markii hore Baabuur ku raran Qaraxyo ayeynu ku weerarnay saldhigooda, kadibna ciidanka lugta ayeynu ku fasaxnay, Qaarkoodna markii waxa ay u qaxeen dhanka duurka.”

“Waxaanu saldhigaasi u dirnay ciidan gurmad ah,” ayaa uu yiri sarkaal lagu magacaabo Maajo Maxamuud Aadabn, oo magaalada Kismaayo ugu waramayey warfidiyeenka Reuters.

Ma jirto wax war ah oo intaa dheer oo ka soo baxay ciidanka dowladda Jubaland iyo kuwa federaalka midna.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab si toos ah ugu guuleysatay dhowr jeer in ay ciidamo dowladeed oo millteri ah ay saldhigooda la wareegto iyada oo cudud milleteri u sheeganeysa, sida aynu ognahay ciidammada Soomaaliya ayaa ah ciidan xooggan kuwaasi oo ay tababarro siiyaan saraakiisha Turkiga, iyo dowlado kale oo reer Yurub ah, waxaa sidoo kale jirta in ciidanka dowladda ay tahay markii ugu horeysay ee saldhig ay leeyihiin loogu galo tani oo niyad jebinaysa wax qabadkooda mustaqbalka dalka guud ahaan.

READ MORE:  AKHRISO:Amb. Fiqi Muxuu ka yiri Gal Dacwadeedka Muranka Badda ee Somalia Gudbisay?

Waxaa la sheegay in ciidanka milleteriga ee Jubaland iyo kuwa dowladda dhexe ee fadhiyey Baar-Sanguuni ay aad u dagaalameen, walow ay guul darro ku soo dhammaatay kadib markii xabadda kulul ee mintidiinta Al-Shabaab, sida muuqata, ay ciidankaasu u adkeysan waayeen.

Daraasaadka muuqanaya ayaa sidoo kale ah in Al-Shabaab ay ku nool yihiin dallaga ka soo go’a beeraha iyo xoolaha halka ay dowladda federaalku ay ku nool yihiin lacago badan oo ay bixiyaan Mareykanka iyo Yurub, taasi oo ay muuqato in ay ku ciidamin waayeen, dhanka kale waxa ay ciidammadii dowladdu ka badin waayeen in ay xafladaha ka heesaan, ama ay Xamar ku dhex wareegaan iyaga oo mar mar isdilaya, marna shacabka masaakiinta ah u xoog sheeganaya.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa ummadda ku wareeriyay shir loo aadayo wadammo fog fog oo lacago lagu gor-gortamayo iyo malaayiin doolar oo aan la garaneynin halka ay ka baxdo oo la soo saxiixayo.

M/weyne Farmaajo ayaa, sidoo kale, si istu-tusnimo ah u xiran lebiska tuutaha, lebiskaasi oo macnihiisa dhabta uu yahay in qofku ku jiro dagaal, balse nasiib darro uu gaashaan isaga dhigay, sidii dhuxushana la isugu gubayo dhalinyarada, weligiis ma uusan booqan mid ka mid ah saldhigyada ciidammadiisu fadhiyaan ee forimaha hore ee dagaalka lagula dirirayo kooxaha mayalka adag.

READ MORE:  DAAWO: Sacuudi Carabiya Oo ku Hanjabtay In ay Jawaab Adag ka Bixin-doonto Haddii loo Cunoqabateeyo Arrinta Jamaal Khashoggi.

Sida sawirka hoose kaaga muuqata Waxaa naxdin leh in qeybo ka mid ah ciidamadii lagu faani jirey ee ALPHA GROUP uu musawirka hoose muujinayo iyaga oo dagaalamaya balse nasiib darro afka ciidda loo daray.

Dhallinyaradani XDS ayaa ay ku weynayd in ay isdifaacaan balse waxaa ay mooraal xumo joogto ah kala kulmaan hogaamiyeyaashooda, tani oo sida ka muuqata sawirka hoose ay diyaar u ahaayeen in ay sii wadaan dadaalka ay kaga soo horjeedaan mintidiinta Al-Shabaab.

Mid ka mid ah mintidiinta oo agmaraya meydadka askarta federaalka Iyo Jubaland oo Afka-Ciida loo geliyay, kadib markii Saaka aroortii looga naxsaday Qaraxyo iyo rasaas culus, weerar ka dhacay degaanka Baar-Sanguuni, Jubaland State.

Al-Shabaabka ayaa laga shaki qabaa in ay ka faa’ideysteen jahawareerka Siyaasadeed ee kala dhex yaalla maamulka Axmed Islaam Madoobe iyo Farmaajo. Jahawareerkaasi oo ah mid micno darro ah oo dhallinyarada Soomaaliyeed la isku xifaaleynayo jeneraal hebel ayaan soo diray iyo anigaa dib uga celiyay garoonka iwm, walow ay hoostooda ku baaba’ayaan dhallintii ay geeyeen meelo aan laga fiirsan.

READ MORE:  Madaxweynaha Hir-Shabeelle Oo Shir Guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada DAAWO SAWIRADA

Is-khilaafyada maamullada dalka ayaa sidoo kale noqday kuwo maadeysi iyo kaftan ku soo dhammaanaya, iyadoo sawirka dhabta ah ee ka muuqanaya magaalooyinka Kismaayo iyo Xamar uu yahay in meesha lagu cunayo hilib iyo bariis, iyadoo shacabka xoog lagu heysto, beenna loo sheegayo 24-ka saac, Siiba bootada ugu badan waxaa afkiisa laga hayaa R/W Kheyre Oo ah nin aad u hadal badan, isla markaasina wax qabadkiisu yar yahay.

Ciidammada gurmadka ah ee Afrikaanku ayaa Xamar xoog kaga xoreeyeen Islaamiyiinta 2007-dii sidaasina dad aan u qalmin masiirka ummadduu ay u qabsadeen xaruntii looga talin jirey dalka Soomaalida ee Villa Somalia.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

(Hoos ka daawo Muuqaal ka tarjumaya m/weynaha dowladda federaalka oo ku baaqaya in dhallinyarada loo dhiibo xilalka sare ee saraakiisha, xilli afka ciidda loo geliyay wax la diyaarinayey 11 sano oo kaamil ah, madaxweynuhu weligiis ma arkin xabad la isku ridayo walow haddii la yiraahdo Qabiil ha la isku laayo..la arki lahaa hogaamiyeyaal jiidaha hore ka khudbeynaya, sida TUKARAQ ka socota oo kale, iyada oo beel beel iyo xaafad xaafad maleeshiyada looga soo abaabulayo.)

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->