DEG DEG: Mareykanka Oo BAAR-SANGUUNI Ka Bilaabay Duqeyn Hawada ah Iyo Saraakiisha Federaalka Oo 2 Siyaabood U kala Hadlay | Afrikada

DEG DEG: Mareykanka Oo BAAR-SANGUUNI Ka Bilaabay Duqeyn Hawada ah Iyo Saraakiisha Federaalka Oo 2 Siyaabood U kala Hadlay

Afrikada, Muqdisho:     Waxaa isa soo taraya wararka weli ka soo baxaya dagaalkii Baar Sanguuni, Aadax Isxaaq Cali oo ah wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa wakaaladda wararka SONNA u sheegay in 87 dhimasho ay u geysteen Al-Shabaab, halka sarkaal ka tirsan ciidanka oo ku sugan xeradii weerarku ka dhacay uu isaguna si kale wax u sheegay.

Al-Shabaab ayaa iyagu hal mar hadashay mana jiro wax kala ‘kala hadal’ ah oo dhankeeda ka soo yeeray.

Qeylo Dhaanka dowladda ayaa u muuqata mid naxdin iyo wel-wel ay ku beertay ‘Sheegashooyinka dagaalka’ waxaana dowladdu ay hore u hilmaantay in ay ciidankeeda u dejiso istraatiijiyad ay isku difaacaan, intii ay gadaal dambe hadalka isku dar dari laheyd.

Dhanka kale, Sida aad muuqaalka hoose ku arki doonto, telefishinka federaalka ayaa fidiyay muuqaallo muujinaya ciidammada Mareykanka oo diyaaradahooda gelinkii dambe ee maanta ay duqeymo ka geysanayeen degaannada ku teedsan Baar-Sanguuni, Helikobterrada Black Hawk ayaa degaannada ay duqeeyeen ku sheegay in ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxihii weerarka geystay.

Lama oga weli in Duqeymaha galabta dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

 

HALKAN KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ilhaan Cumar Oo Xasillooni siyaasadeed heli weysay kadib helitaankii kursiga Kongresss-ka..
- Apr 16, 2019
Afrikada, Muqdisho: Tan iyo markii ay Ilhaan Cumar heshay kursiga kongress-ka Mareykanka waxa isa ...
Booliska Muqdisho Oo dilal sharciga ka baxsan fuliyey (Extra-Judicial Killings).
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli ay dowladi Soomaaliya ka jirto ayaa ciidammada booliska oo iyagu mushahar ...
DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->