DEG DEG: Al-Shabaab Oo Gaari Wayn Ku Qarxiyay kadibna Weerar Toos Ku Qabsaday Baar-Sanguuni | Afrikada

DEG DEG: Al-Shabaab Oo Gaari Wayn Ku Qarxiyay kadibna Weerar Toos Ku Qabsaday Baar-Sanguuni

Afrikada, Jubaland: Akhbaaraadka Inaga soo gaaraya xeryaha ciidamada dowladda Soomaaliya ay k uleeyihiin gobolka Jubaland ayaa sheegaya in kooxaha Shabaab weerar culus ku qaadeen degaanka Baar-Sanguuni Xarakada aroornimadii saaka.

Gaari weyn oo qarax siday ayaa lagu qarxiyay afaafka hore ee xerada ciidammada isku dhafka ah, waxaa halkaasi la isku dhaafsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana la is haystay muddo saacado ah, labada dhinac-na guulo ayey sheeganayaan.

Taliska ciidanka Jubaland ayaa ku dhawaaqay in ay iska difaaceen Al-Shabaab, ha yeeshee Dhanka shabakadda wararka u fidisay Al-Shabaab ayaa iyaguna sheegay in qaraxii saaka uu ahaa mid weyn oo khasaare badan geystay.

Ciidamada Jubaland iyo dowladda ka fadhiyey degaanka Baar-Sanguuni ayaa la sheegay in ay tiradooda ku dhoweyd kun askari. Weerarkani ayaa noqonaya kii labaad iyadoo horey weerar noocan ah loogu dilay hal askari oo Mareykan ah iyo 2 ka mid ah ciidanka dowladda.

Haddii weerarkani ay ciidammada dowladdu guuleystaan ayaa waxaa suuro gal ah in ay keligood isdifaaci karaan, xitaa haddii AMISOM iska tagto, haddiise war naxdin leh soo baxo ama lagu laayo dagaalka hada ka socda Baarka ayaa tani waxa ay muujin doontaa in ciidanka dowladda aanu iska celin karin kooxaha Shabaab.

READ MORE:  DAAWO SAWIRADA: Turkiga Oo Soo Gudbiyey Sida Loo jar-jaray Weriyihii Jamal Khashogji?

Waqtiga ayaa xilligan ah mid kala guur ah, waxaana haatan la galay marxalad cusub oo wejiga la saarayo runta. Isbedelka waqtiga ayaana runta cadeyn doona, waxaana isha lagu hayaa sida wararka soo baxa noqdaan.

Wararkeena dambe la soco.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: 2 Qabiil Oo Doonaya in la rido Xukuumadda Kheyre Iyo Farmaajo?
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa shalay loo ...
Farmaajo Oo ay ka soo Baxday Qiyaanadii iyo XAQII Prof. JAWAARI? Ninkii uu soo magacaabay Oo dhabarka ka toogtay?!! AKHRI YAABKA
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa kacsan xaaladda magaalada Muqdisho iyada oo Mooshinki laga keenay madaxweyne Farmaajo uu ...
DHAGEYSO:-Jahwareerka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxda Dowlada.
- Dec 10, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sideed bil oo kaliya ka soo wareegtay markii sidaan oo kale jahwareer siyaasaded ...
Qarax dhimasho geystay oo ka dhacay Garasbaaley, Muqdisho
- Dec 9, 2018
Afrikada, Muqdisho: Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan ...
Dowladda Qadar Oo ku gacan Seyrtay Casuumadii Boqor Salmaan
- Dec 9, 2018
Afrikada, Dooxa: Wadanka Qadar wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in amiirka wadankaasi uu ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->