Xi Pin Oo Booqanaya Rwanda | Afrikada

Xi Pin Oo Booqanaya Rwanda

Shiinaha ayaa Rwanda u soo bandhigtay hadiyado, iyadoo raadinaysa khayraadka dabiiciga ah iyo saamaynta siyaasadeed ay kordhinayaan dadaalkooda ku aaddan Afrika ee ka hooseeya Sahara.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa Rwanda booqasho ku tagaya maanta oo axad ah, booqashadaas oo qaadan doonta laba maalmood, ayaa ujeeddadiisa lagu sheegay sidii uu heshiisyo dhowr ah uu kula saxiixan lahaa Madaxweyne Paul Kagame, oo sidoo kale ah guddoomiyaha Midowga Afrika.

Hoggaamiyeyaasha labada dal ayaa la filayaa inay kala saxiixdaan heshiisyo dhowr ah oo ku saabsan ganacsiga, maalgashiga, kaabayaasha iyo difaaca.

Inkasta oo khabiiradu ay tilmaamayaan in Shiinaha uu si weyn diyaar ugu yahay maalgashiga dalalka Afrika, uuna bartilmaameedsanayo khayraadka dabiiciga ah iyo ilaha dhaqaale ee wadamada Africa.

“Ujeedada booqashadu waa hormarinta iyo kor u qaadida xiriirka labada dal, iyo arrimaha Maalgashiga khayraadka dabiiciga ah ee Rwanda ama dalal kale ee Afrika ku yaalla” ayuu yiri danjiraha China ee Rwanda, Rao Hongwei.

Saadaasha Ganacsiga ee u dhexeeya Rwanda iyo Shiinaha ayaa ku baxday, lacag dhan $ 157 milyan sannadkii 2017, waxa uuna kor u kacay 11 boqolkiiba marka la barbardhigo 2016.

READ MORE:  Abiy Ahmed: "Itoobiya ka fursan Meyso in ay yeelato Nidaamka Xisbiyada Badan si ay u Nabadgasho.."

Waxaana la rajeynayaa in maalgashiga sanadan uu kor uga kaco, sanadii la soo dhaafay.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->