Itoobiya Oo Xabsiga U Taxaabtay Nin Isku Sheegay Inuu Nabi yahay | Afrikada

Itoobiya Oo Xabsiga U Taxaabtay Nin Isku Sheegay Inuu Nabi yahay

Qoyski ninka dhintay oo tacsi u fadhiya ayaa waxaa goobti tacsida ka kacay nin sheegtay inuu nabi yahay oo uu soo Nooleynayo ninka afar maalmood ka hor dhintay.

marki reerki Belay uu ka dhaadhiciyey inuu wiilkooda soo kicinayo waxaa la wada aaday qabuuraha dadka diinta kirishtanka aaminsan lagu aaso oo uu ninka ku aasnaaa.

Ninkan nabinimada sheeganayo oo lagu macgacaabo Geta Yawqal wuxuu amar ku bixiyey in qabriga Balay lagu aasay la soo faago si uu howshiisa uu u wato.

Meydka marka la soo saaray ayuu marar badan ku dhawaaqay “Belay Kac” isaga oo sanduuqa uu meydka ku jira marna ku seexanayey marna ku foorarsanayey.


Ugu dambeynti, ninki nabinimada sheeganayey ee lahaa waxbaan soo nooleyn wuu daalay sida uu u qeylinayey aakhirkina wuxuu yiri “waxba lama sameyn karo”, markiiba wuxuu isku dayay inuu goobti ka dhaqaaqo waxaase ninkan waxa uu sameeynayey si weyn uga war sugayey qoyska ninka dhintay gacan qaad ayaana halkii ka dhacay.

READ MORE:  Madaxweynaha Faransiiska Oo Joojiyay Dhammaan Safarada Diblomaasiyadeed Ee Sacuudiga.

Markiiba goobti waxaa yimid boolis warka la gaarsiiyey ninki beenaalaha ahaa oo sida loo garaacayey in la dilo qarka u saaraan ayay ka soo gaareen, Booliska degmada Limu ayaana ninki hadda gacanta ku haya.

Ninkanna shaqadiisu rasmiga ah waxaa la ogaaday inuu yahay xirfadle caafimaad oo ka shaqeeyea xafiiska caafimaadka degmada.

Muuqaal ficilka ninkan laga duubay oo baraha bulshada la geliyeyna waxay noqotay mid sii weyn loo hadal hayo.

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->