Ingiriiska Oo Somaliland Ku amray in ay Ciidankeeda kala baxdo Qeybo ka tirsan Gobolka Sool | Afrikada

Ingiriiska Oo Somaliland Ku amray in ay Ciidankeeda kala baxdo Qeybo ka tirsan Gobolka Sool

Afrikada, Sool:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed isku magacowday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la qaatay safiirka Ingiriiska ka fadhiya wadanka Soomaaliya.

Danjire David Concor ayaa Muuse Biixi kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii wada hadal looga gaari lahaa colaadaha ka dhex aloosan maamullada Somaliland Iyo Puntland.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in qodobadii laga wada hadlay heshiis laga gaaray, isla markaasna ay isku afgarteen labada dhinac, wuxuuna sheegay in ay isku raaceen in deg deg loo bilaabo wada hadalada Soomaaliya & Somaliland.

Soomaaliland ayaa doonaysa in wadahadallo lagala yeesho arrimaha ku saabsan sidii ay aqoonsi dowladeed ku heli laheyd iyada oo xoogga saareysa in haddii la cadaadiyo iyaduna ay cadaadis saari doonto dhinac kasta oo siyaasadda gobolka ka mid ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in ay Somaliland aqbashay in ay ciidammadeeda kala bixi doonto dhulka lagu muransan yahay ee ka tirsan gobolka Sool, taasi bedelkeedna ay horusocod dhanka siyaasadda ah dalbaneyso.

READ MORE:  DHAGEYSO: Weriye Jamaal Khashoggi faraha ayaa laga jaray, kadibna Qoorta, Kadibna Jir-kiisa Oo dhan Cad Cad ayaa Loo Jar-Jaray?

Marka loo eego maamulka federaalka ayaa iyagu waxa ay waqtiga u dheeraynayaan aqoonsiga Somaliland iyada oo Koonfurtu ay dhibaato kala kulantay xasillooni soo celinta geyigooda, halka Somaliland ka adkaatay arrimaha gudaha gobolladeeda.

Dowladda Ingiriiska ayaa Muuse kala hadashay sida ciidamada loo kala qaadi karo isla markaasina loo soo afjari karo colaadaha ay ka dhalan karaan musiibooyinka bani’aadanimo.

Dhanka kale, Horey waxaa beesha caalamku xoogga u saartay in madaxweynaha Puntland, C/Weli Gaas uu hos u dhigo colaadaha uu ka geysanayo degaannada colaaduhu ka taagan yihiin.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->