DHAGEYSO: Madaxweynaha federaalka Oo Arrimaha AMNIGA Si adag uga hadlay+Shacabka ayaa nagu QASBAYA inaan Wado Walba U furno Al-SHABAAB | Afrikada

DHAGEYSO: Madaxweynaha federaalka Oo Arrimaha AMNIGA Si adag uga hadlay+Shacabka ayaa nagu QASBAYA inaan Wado Walba U furno Al-SHABAAB

Afrikada, Muqdisho:   Warbixin ka soo baxday hey’adaha amniga ayaa lagu sheegay in la adkeyn doono amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo arrimaha amniga si adag uga hadlay ayaa sheegay in shacabka loo aqbalayo sida ay rabaan hase yeeshee aysan fududayn in ay soo galaan qolyaha Al-Shabaab oo iyagu dadka isku soo dhex qarinayo.

Madaxweynaha oo baaq u diray shacabka ayaa yiri “Waan dhegaysannay cabashadiina, dib ayaana u furnay waddooyinkii u xirnaa xaaladaha amni, waxaana idinku baaqayaa inaad nala shaqeeysaan. Haddii aad aragtaan qolyahan argagixisada ah oo xaafadaha ku dhex dhuumanaya ama qof aad ka shakisaan waa in aad soo war-gelisdaan ciidammada.”

Shirkan oo madaxweynuhu isugu yeeray dhammaan madaxda dalka ee qaabilsan dhinacyada amniga ayaa madaxda ka qeybgashay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda oo uu ugu horreeyaan Wasiirrada Maaliyadda iyo Amniga, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Ku simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir K/Xigeenka, Taliyeyaaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda.

READ MORE:  DHAGEYSO: Isbitaalka Banaadir oo qarka u saaran in uu xirmo

Waxaa kulankani aad looga hadlayey haddii wadooyinka Muqdisho la furo sida la isaga difaaci karo kooxaha amni darrada ka wada Muqdisho, waxa uu madaxweynuhu ka digay in markii la furo wadooyinka la iska difaaco oo aysan kooxanahi ku soo dhex dhuuman bulshada.

Farmaajo ayaa cadaadis xagga amniga ah ka dareemaya wadooyinka caasimadda Muqdisho, xilli aan la garan karin waxa dhici kara haddii wado kasta la furo ama kontroollada laga qaado dadweynaha dhexdooda.

Cabashada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqata mid lagu weli gor-gortamayo amniga xaafado kooban oo ka tirsan magaalada Xamar, tani oo madax-gal ku noqotay madaxtooyada.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->