Subscribe

Dalka Austria Oo Laga Mamnuucay Barashada Luuqada Turkiga

Afrikada, Muqdisho:   Wasaaradda gaadiidka ee dalka Austria aya soo rogtay amar mamnuucaya in luuqadda Turkida ay ka sii mid ahaato luuqadaha dadka baranaya darawalnimada looga qaado imtixaanka.

Inkastoo tira yar oo ka mid ah dadka baranaya darawalnimada ee dalkaasi ay door bidaan luuqadda Turkida, haddana waxaa la sheegayaa in luuqaddaasi tahay luuqadda labaad ee dalkaasi looga hadlo.

Wasiirka gaadiidka Austria, Norbert Hofer, oo ka tirsan xisbiga midigta fog ee Freedom Party ayaa sheegay in tallaabadaasi looga golleeyahay in lagu yareeyo kharashka dowladda uga baxaya tababarrada.

“Luuqad kastaa oo tababarka lagu bixinayo waxaa dowladda uga baxaya kharash badan oo aan loo qiil dayi karin,” ayuu yiri wasiirka.

Balse waxa uu intaasi ku daray in tallaabadaasi sidoo kale looga golleeyahay in dadka lagu dhiirigeliyo in ay bartaan luuqadda Jarmalka.

“Caadiyan waa arrin la xiriirta yaraynta kharashka balse sidoo kale waxaa muhiim ah in la kala caddeeyo luuqadaha ay tahay in dadku imtixaanka ay ku galaan,” ayuu yiri wasiirku mar uu la hadlayay idaacad ku taal dalkaasi.

READ  Wasiir Cawad: "Waxaan Dhexdhexaadineynaa Eritrea iyo Jabuuti" (Waa Socon Weynaye aan Orodno?)

Wasiirka gaadiidka ee Austria ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya dadka baranaya darawalnimada ay imtixaanka ku gali doonaan luuqadaha Ingiriiska, Koreshiyaanka iyo tan isloofeeniya looga hadlo.

Xisbiga uu wasiirkani ka tirsan yahay ee midigta fog oo ah mid aad uga soo horjeeda dadka soogalootiga ah ayaa jagooyin muhiim ah ka haya dowladda wadaagga ah ee dalkaasi Austria.

Isbadalkan lagu samaayay luuqadaha ay dadku ku galayaan imtixaanaadka ayaa ku soo beegmayo xilli uu sii xumaanayo xiriirka u dhaxeeya Turkiga iyo Austria.

Hoggaamiyaha Austria, Sebastian Kurz, ayaa doonaya in Midowga Yurub uu ka isaga baxo waddahadallada Turkiga ee ka mid noqoshada reer Yurub, go’aankaasi oo ka careysiiyay madaxweyne Rajeb Tayyeb Erdogan.

Caradaasi ayaa sababtay in bishii May ee sanadkii 2017 uu Turkiga oo xubin muhiim ah ka ah gaashaanbuurta Nato uu diidmada qayaxan kala horyimaado iskaashiga Nato kala dhaxeeyo Austria.

Xigasho


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 14/08/2018
- Aug 15, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Wasiir Cawad: “Waxaan Dhexdhexaadineynaa Eritrea iyo Jabuuti” (Waa Socon Weynaye aan Orodno?)
- Aug 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo ...
%d bloggers like this: