DAAWO: Sida La yaabka leh ee CIYAARTOYDA Croatia Loogu Soo dhoweeyay DALKOODA

Caasimadda Zagreb ee dalka Croatia waxaa dadweyne gaaraya 550,000 ay u istaageen in ay soo dhoweeyaan kooxdii Croatia uga qeybgaleysay ciyaaraha koobka kubadda cagta Dunida ee ku soo dhammaaday wadanka Ruushka.

War rasmi ah oo uu shaaciyey Taliska booliska wadana Croatia ayaa lagu sheegay dadweyne ka badan 550, 000 ay soo dhoweyn aan caadi aheyn u sameeyeen ciyaartoyda Qaranka ee kubadda Cagta Croatia imaanshahoodii ay ka soo noqdeen ciyaaraha.

Diyaaradii sidey kooxda ayaa waxaa galbinayey 2 diyaaradood oo kuwa milleteriga ah kuwaasi oo ku soo dul wareejiyay hawada caasimadda Zagreb.

Sidoo kale dadwynaha ayaa iyagu dabaaldegyada wadey ilaa habeenimadii waxaana munaasabadda soo dhoweynta la wargeliyay oo sawiro qaadayey tiro dhan 250 saxafiyiin ajnabi ah.

Luka Modric, kabtanka kooxdii u dheelaysay Croaatia isla markaana isagu hore ugu guuleystay billadda kubada Dahabig ah ee ‘Balon d’Or’, ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay ee diyaarada ka soo dega iyaga oo magaalada oo dhan ku soo wareegay iyaga oo saaran bas dusha ka furan. Waxaana ay sii aadeen faras magaalaha oo aheyd meel ay dadweyne badani ku sugayeen.

READ MORE:  DAAWO: Soomaali Isugu Soo Baxday Mudaharaad ka dhacay Wadanka Jarmalka?

Waa dhacdadii ugu horeysay koox soo gasha kaalinta labaad oo sidani oo kale loogu dabaal-dego, waxana sida la ogsoon yahay koobkii ciyaaraha kubada cagta qaaday wadanka Faransiiska kuwaasi oo aan xitaa sidani oo kale loo soo dhoweynin markii ay wadankoodii ku laabteen.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Askar Gaysatay Dhac U geysata Dadka Oo maxkamadda Ciidammada la soo taagay
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Saldhiga degmada Dharkenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay ...
AKHRISO:Dowlada Itoobiya & Jabhada ONLF Oo Heshiisyo Nabadeed Ku kala Saxiixday Asmara
- Oct 22, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa maanta magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku ...
AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->