DAAWO: Qiso Naxdin iyo Murugo leh: Mayd Nin Nool Dilay Sheeko Cibro Qaadasho leh | Afrikada

DAAWO: Qiso Naxdin iyo Murugo leh: Mayd Nin Nool Dilay Sheeko Cibro Qaadasho leh

QISO: Dhacdadani waxay ka dhacday degaanka Janaale ee Soomaaliya, nin wargaleen ah oo dhawr jeer Xamar tagay ayaa ii xaqiijiyay in dad odayaal ah oo aanu been ku tuhmayni ay u xaqiijiyeen in dhacdadan. Haddaba annaguna annagoo in lagu cibro qaato uga jeedna, rajaynaynana inay dadka dulmiga wadaa ku waano qaataan, kana baqaan aargoosiga Ilaahay, ogaadaanna inaan aargoosigiisu ka fogayn oo inta aan Aakhiraba la gaadhin inuu adduunkan ugu soo degdegayo iyadoo waliba ay ciqaabtii Aakhirana sugayso Ilaahay ha innaga nabadgaliyo e. Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-“Ka baqa baryada dulmanaha, uma dhexeeyaan Ilaahay iyo iyaga (baryada dulmanaha) daahe”.

Sheekadiina waa tan.

Dagaaladii duufaanta colaadeed markii ay Soomaaliya ku habsadeen, wanaagiina indho beelay ayuu Cabullaahi ka qaxay Muqdisho, wuxuuna u qaxay degaanka ay beeshiisu daganayd oo uu doorbiday inuu ku badbaadi karo maadaama waxa laysku dilayay ay qabyaalad ku salaysnaayeen.

Muddo ayuu degaankii beeshiisa ku noolaa, isagoo intaa wararka iyo waayaha degaankii uu ka soo qaxay aanu seeganayn, wuxuu had iyo goor safarada waydiin jiray inay Muqdishu iyo nawaaxigii Janaale soo mareen isagoo ka waraysanaya kolba cidda uu ka garto, hantidiisii ma guuraanka ahayd ee uu lafihiisa kala soo cararay, hantidaasi oo uu aad warkeeda u sii raadin jiray beer ama bustaam uu Janaale ku lahaa oo uu aad u jeclaa.

READ MORE:  Wufuud ka socota ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo Muqdisho Soo Gaaray+SAWIRO

Wuxuu sidaasi ahaadaba maalin dambe ayuu maqlay in nin kale beertiisii qaatay oo uu siduu doono ugu tagri falay, lexejeclo ka ahaatayaa ama hed dhammaatay noqotaaba meeshii uu joogay ayuu ka soo socdaalay , isagoo ay niyaddiisa ku jirto in cabsidii dhawr bilood ka hor soo eriday ay haatan yaraatay maadaama qolyihii ay ka soo carareen ay iyaga iskugu jirto colaad xun oo ka daran tii uu ka cararayna dhex taalo.

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Wuxuu soo socdaba maalintii dambe ayuu isa soo dhex taagay beertii uu sanooyin badan tacbanayay, hantidiisii iyo xooggiisiibana ay galeen oo uu nin kale qori la dhex taagan yahay…Laysa salaan, waar maxaad ahaydna lagu yidhi…….Ninkii beerta lahaa baan ahayna ku jawaabay!!!

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Shaaca ka Qaaday in Itoobiya Cadow aheyd 30-sano ka hor, balse ay Jiilka Cusub Cadowtooyada ku bedeli doonaan Nabad iyo Barwaaqo?
- Nov 15, 2018
Afrikada, Muqdisho: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hogaamiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18
- Nov 15, 2018
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 14/11/18 HALKA HOOSE KA DAAWO:
Jeneraallo ka tirsanaa millitariga Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hubka sharci darrada ah U soo Daabuli jireen Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Addis Ababa: Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu ...
Xulka Itoobiya Oo 4-0 ku dhuftay xulka Qaranka Soomaaliya
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is ...
Dalka Eritrea oo maanta cunaqabateynta hubka laga qaadayo iyo Soomaaliya oo sanad siyaado ah loogu darayo
- Nov 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->