AKHRISO: Askari Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Nin shacab ah U dilay Wax ka yar “HAL DOOLAR” | Afrikada

AKHRISO: Askari Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Nin shacab ah U dilay Wax ka yar “HAL DOOLAR”

Afrikada, Muqdisho:   Nin hubeysan oo ku labisnaa dharka ciidamada dowladda ayaa dil ka geystay suuqa degmada Kaaraan, ninka askariga ah ayaa dilay nin darawal baabuurey ahaa.

Dilka ayaa yimid ka dib markii ninka la dilay uu u diiday Askariga in uu siiyo lacag uu weydiistay.

Waxaa la sheegay in uu askarigu uu weydiistay ninka dhintay 5 kun oo shilin Soomaali ah, islamarkaana uu u diiday.

Askariga oo ka carooday lacagta ninkaasi uu waydiistay oo uu siin waayay ayaa la sheegay inuu xabad ku dhuftay darawalkii waday gaariga, kadibna uu halkaasi ku geeriyooday.

Ninkii xirnaa dharka Ciidanka falkaasi dilka ah gaystay ayaa ka baxsaday goobtii uu dilka ka gaystay, waxaana goobta hadda gaaray ciidamo Boolis ah oo ka tagay Saldhiga Booliska Kaaraan.

“Askariga Shan kun oo Shiling Somali ah ayuu u dilay wiilka waana ka naxnay arrintaasi, sababtoo ah Shan kun maanta wax la isku dilo ma’ahan walaahi ninkiina wuu baxsaday ciidamo Boolis ah ayaa hadda gaaray meesha.” Ayuu yiri qof arkaayay meesha dilka uu ka dhacay.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->