14 Qofoo isku qoys ah oo duqeyn lagu dilay

Diyaaradaha dagaalka ee wadanka Mareykanka ayaa duqeymo ay ka fuliyeen wadanka Afgaanistaan waxaa ku dhintay Afar iyo toban ruux oo isku qoys ah.

Dadkan dhintay waxaa ku jirey 3 carruur ah, duqeyntaas oo ka dhacday gobolka Waqooyiga Afghanistaan ​​ee Kunduz.

Si gaar ah waxa ay uga dhacday degmada Chahar Dara oo ay sheegeen Mareykanku in ay xarun weyn u tahay dagaalyahanada Taliban oo weeraro ku qaada Maraykanka iyo Afghanistaan.

Isbahaysiga ayaa markii hore beeniyay in dhibanayaashu ay ahaayeen dad rayid ah, waxayna sheegeen in ay yihiin dagaalyahanno Taliban, sida ay sheegayaan wararka.

Ma jirto khasaare kale oo ka dhashay oo ka dhashay duqeyntaan, balse Hay’adaha Xuquuqda aadanaha ayaa si aad ah u cambaareeyay duqeyntaa ay halka mar ay ku geeriyoodeen 14-ka ruux ee isku qoyska ahaa.

Saraakiisha Afghanistan iyo kuwa Mareykankana wali kama aysan hadlin duqeyntaan, iyo halka uu ahaa bartilmaameedkooda.

Tirada dhimashada ayaa gaartay 1,692 tan iyo markii Hay’adda Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Afqaanistaan ​​(UNAMA) ay bilawday diiwaan-galinta dadka ku dhimanaya Afghanistan sanadkii 2009-kii.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->