Weriye Yoonis Cali Nuur Oo ku geeriyooday London
Afrikada, London: Wariye Yonis Cali Nuur oo muddo ku dhaw 30 sano u soo shaqeynayey Idaacadda BBC-da ayaa ku geeriyooday isbitaalk ku yaalla magaalda London.
Wariye Yoonis ayaa mudooyinkii dambe wuxuu la taliye u ahaa Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland, magaalada Hargeysa, iyada oo bil kahor uu caafimaad u aaday magaalada London, halkaasi oo ugu dambeyn uu xalay ku geeriyooday.
Qaar ka mid ah ehelada marxuumka ayaa waxa ay inoo sheegeen in mudooyinkii dambe uu xanuunsanayay, laba jeerna uu isbitaal ku galay magaalada Hargeysa, kahor inta aanu aadin magaalada London.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo la taliye uu u ahaa Wariye Yoonis ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuumka, wuxuuna tacsi u diray xaasaskiisa, caruurtiisa iyo dhammaan eheladii uu ka geeriyooday.
Marxuumka geeriyooday ayaa shaqada saxaafadda waxa uu ka bilaabay Radio Muqdisho, waxayna isla soo shaqeeyeen oo ay isku waqti ahaayeen Rug cadaayaal saxaafadeed oo ay ka mid ahaayeen Wariye Cowke iyo Wariye Maxamed (Teera).
Waxaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuumka, wuxuuna tacsi u diray xaasaskiisa, caruurtiisa iyo dhammaan eheladii uu ka geeriyooday.
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<