Kooxda Argagixisada Al-Hijra Oo lagu diray Liiska Argagixisada

War ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka shalay oo Khamiis aheyd waxa ay sheegtay in ay liiska Argagixisada ku dartay kooxda Jamaacatu Al Hijra oo ay ku sheegtay inay ka hawlgasho Soomaaliya iyo Kenya, xiriirna la leh Shabaab.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ‘State Department’ ayaa warbixinteeda ku cayintay in ay isha ku heyso ururada banaanka ka jooga Sooaaliya ee isla markaasi kaalinta weyn ka ciyaara kaalmeyntya ururka Al Shabaab.

kooxda Al Hijra oo 2008-kii ku aas aasanatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya in ay tahay laanta Al Shabaab ee Kenya.

Al Hijra waxa ay gacan ka geysataa askareynta xubnaha Shabaab ku biiraya, waxaan ay fududeysay in xubnaheeda ay si caadi ah ugu socdaalaan Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan falalka argagixisanimo.

Al-Hijra ayaa hore loogu dhawaaqay waxaana ay si aan ka ganbasho laheyn uga dagaalantaa wadanka Kenya, tani oo muujineysa in kooxdu tahay mid musiibo ah oo muddooyin badan shaqaaleynaysay ciidammada u dagaalama Al-shabaab ee laga keeno gudaha Kenya.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->