DEG DEG: Xafiiskii Hey’adda Sirdoonka Soomaaliya Ee NISA Oo la Jabsaday DAAWO SAWIRADA

Afrikada, Muqdisho:   Taliye ku-xigeenka koowaad ee hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Gen. Cabdalla Cabdalla Max’ed ayaa la sheegay in la jabsaday, iyadoo arrintana ay ku soo beegantay xilli khilaaf ba’an uu ka dhex aloosan yahay mas’uuliyiinta hey’addaas.

Wararka ayaa sheegaya in la burburiyey qalabkii Xafiiska iyo aqabkii yiilay, iyadoo dokumentiyadii ku jiray qaarkood la qaatay kuwo kalena xafiiskiisa dhexdiisa lagu daadiyey.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in falkan ay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan NISA oo ka amar qaata agaasimaha hey’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus) oo dalka ka maqan.

Xafiiska Taliye ku-xigeenka NISA Cabdalla Cabdalla oo ku dhex yaalla xarunta NISA ee Habar Khadiija loo yaqaan ayaa waxaa loo geystay fal ay saraakiisha NISA ku tilmaameen mid taariikhda Hay’adda ku cusub.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili Agaasimaha Guud ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen uu maalmo ka hor shaqo joojin ku sameeyay labadiisa ku-xigeen ka dib khilaaf la sheegay inuu soo kala dhax galay.

READ MORE:  FAAH-FAAHIN:Qaraxii khudbadii Abiy Axmed Oo lagu baaba'ay+150 Qof Dhaawac, 10 Dhimasho

Qoraal uu Isniintii ah soo soo saaray Xafiiska agaasimaha Hay’ada Nabad Sugida ayaa lagu cadeeyay in shaqada laga joojiyay ku-xigeenadiisa kala ah, Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo Col. C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaano Jaamac.

DAAWO SAWIRADA:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->