DEG DEG: Axmed Madoobe Oo laga celiyay gegida diyaaradaha Stocholm+Dowladda SWEDEN oo tiri ‘MAYA Axmed Dib Nooga Noqo’ | Afrikada

DEG DEG: Axmed Madoobe Oo laga celiyay gegida diyaaradaha Stocholm+Dowladda SWEDEN oo tiri ‘MAYA Axmed Dib Nooga Noqo’

Afrikada, Europe:  Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa la sheegay in dib looga celiyay garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ee dalka Belgium xilli uu qorshaynayey in uu halkaasi uga sii safro wadanka Sweden.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qorshihiisu ahaa in uu ka qayb galo kulan balaadhan oo ay iskugu imaanayeen jaaliyadaha Jubbaland ee Qaarada Yurub.

Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland oo Afrikada u waramay ayaa xaqiijiyey baaqashada safarka madaxweynaha oo loo aanaynayo dhanka dowladda dalka Belgium.

Dowladda Sweden ayaa u diiday soo galida dalkeeda madaxweyne Axmed Madoobe iyadoo ka duulaysa eedayn meel sare la gaadhsiiyay oo ka dhan ah madaxweyne Axmed Madoobe taas oo ku aadan iibinta dhuxusha.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay in uu qayb weyn ku leeyahay dhuxusha sida xad dhaaf ah ay uga dhoofto deegaanada Jubaland gaar ahaan dekadda magaalada Kismaayo.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii madaxweyne Axmed Madoobe diiday in uu ka qayb galo shirkii Belgium kadib markii ajandaha shirkaasi lagu soo daray warbixinno ka hadlaya iibka Dhuxusha kaas oo markii dambe laga saaray ajandaha shirkaasi.

READ MORE:  DHAGEYSO: Dowladda Soomaaliya Oo la wareegaysa Iskuullada ku yaalla maamul Goboleedyada dalka

Ma jiro wax warar ah oo sheegaay sababta weli loo diidan yahay in uu Axmed Madoobe ugu gudbo Yurubta kale, waxaana weli socda dadaalo ay wadaan mas’uuliyiin ka tirsan dalka Sweden oo ay iskugu dayayaan in loo ogolaado ka qeybgalka qayb galo kulanka jaaliyadda Jubaland ee Yurub.

KARTUUNADA UGU QOSOLKA BADAN EE AXMED MADOOBE LAGA SAMEEYAY:

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Mukhtaar Roobow Oo la afduubtay Iyo Xabadda Oo dhaceysa Baydhabo?
- Dec 13, 2018
Afrikada, Baydhabo: War haatan ina soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Beydhabo uu ka ...
Dhaqaalaha wadanka Soomaaliya oo kobac dhaqaale gaaray 3.1 sanadka sii dhammaanaya ee 2018.
- Dec 12, 2018
Afrikada, Nairobi:  Wadanka Soomaaliya ayaa gaaray kobac dhaqaale oo dhan 3.1 sanadda sii dhammaaneysa ...
DAAWO: Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 12-12-2018
- Dec 12, 2018
DAAWO: Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 12-12-2018 HALKA HOOSE KA DAAWO:  
DAAWO Somaliland oo ka carootay RUQSADII la siiyey Maraakiibta Shiineyska Iyo Shiinaha Oo Kalluunka ka Iibinaya Kenya?
- Dec 12, 2018
Afrikada, Hargeysa: Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ruqsad siisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ...
Hogaamiyeyaasha Isbedelka Waqtiga dartiis loogu kacsan yahay Caalamka AKHRISO!!!
- Dec 12, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli kala guur ah oo dowlad kasta ay soo bandhigeyso wixii ay ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->