M/weyne C/weli Gaas Oo Dhaliilay Qaabka loo Wajahayo Wada-hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland. | Afrikada

M/weyne C/weli Gaas Oo Dhaliilay Qaabka loo Wajahayo Wada-hadalada Soomaaliya Iyo Somaliland.

Afrikada, Garowe:  Madaxweynaha dowladda Puntland mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaliilay hanaanka loo wajahayo wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in laga dhigo sidii labo dowladood oo kale.

C/weli Gaas oo ka hadlayay munaasabad soo dhoweyn ah oo Soomaalida Belgium-ka ay ugu sameeyeen magaalada Brussels ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in wada hadaladaas aanay waxba ka soo bixi karin.

“Arrinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa aaminsanahay wax la yiraah Soomaaliya iyo Somaliland ma jirto, magaca Somaliland waa dalkii soomaaliya weeye, gobolada waqooyi Soomaaliya ka mid yihiin, marka waxaa moodaa labo dowladood oo siman anaga iyo kenya oo kale, wax laga xishoodo weeye, mideeda kale wada hadaladaas waxba kama soo baxayaan, sababta waa idin sheegayaa nin Soomaali oo Madaxweyne ah ama Ra’iisul Wasaare ah baa wuxuu ku dhacaa in Somaliland taga uu yiraahdo, ma awoodi karaan, Muuse biixi miyaa ku oran kara dadka jooga Hargeysa iyo Burco Soomaaliya ku biirayaa ma oran karo, haddii iyagana aysan oran karin, kuwa Xamar joogana aysan oran karin Somaliland ha iska tagto maxaa la isku xiijinayaa oo la isku wareerinayaa” ayaa uu yiri C/weli Gaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 1-dii bishan July ku dhawaaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabayaan wada hadaladii Somaliland ee hakadka ku yimid.

Hadalka C/weli Gaas ayaa u muuqday mid uu sii fogeynayo hanaanka wada hadalada loo galayo, maadaama Somaliland ku dhawaaqday inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya, isla markaana wada hadaladii u dambeeyay aan gudaha loogu gelin arrimaha Masiiriga ah.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Ciidanka XDS oo cabsi darteed awoodooda milleteri ku soo bandhigaya masrax qol dhexdiis!
- Apr 13, 2019
Afrikada, Muqdisho: Xilli aysan jirin meel kale ama aysan fagaaraha ku soo bandhigi ...
DAAWO: Xuska Sanadguurada Ciidammada XDS oo ka soconeysa Muqdisho
- Apr 11, 2019
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 12-kii April 1960-kii oo hadda ka soo ...
Kheyre oo la kulmay John Bolton. SAWIR
- Apr 11, 2019
Afrikada, Muqdisho: R/W Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay la taliyaha amniga dalka ...
VIDEO: Afgembi ka dhacay dalka Suudaan & Saraakiil la xiray
- Apr 11, 2019
Afrikada, Khartoum: Kadib gadood maalmo badan soconayey ayaa waxaa la sheegayaa in maanta milleteriga ...
Banaanbaxayaasha Suudaan oo codsaday in la dhiso dowlad ku meel-gaar ah
- Apr 9, 2019
Afrikada, Muqdisho: Banaanbaxayaasha wadanka Suudaan ayaa Isniintii ka codsaday ciidamada wadankaasi in ay soo ...
!-- Google Tag Manager (noscript) -->