Kuwait Oo martigelin doonta Shir Soomaaliya Looga Caawinayo dhanka Waxbarashada | Afrikada

Kuwait Oo martigelin doonta Shir Soomaaliya Looga Caawinayo dhanka Waxbarashada

Afrikada, Kuwait:  Intii lagu jirey shirkii Brussels ayaa safiirka dowladda Kuwait ee Midowga Yurub, Nato iyo Belgium-ka Jasem Al Budaiwi waxa uu ku shaaca ka qaaday in dowladda Kuwait ay qabaneyso ama martigelineyso shir lagu taageerayo waxbarashada dalka Soomaaliya.

Isaga oo si toos ah ula hadlayay madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa waxa uu u balanqaaday dowladda federaalka in Kuwait ay gacan ka geysan doonto dhanka waxbarashada.

“Waxaan Aamin sanahay in waxbarashada ay tahay waxa ugu muhiimsan, ama ay tahay agabka ugu fiican ee lagula dagaalami karo, Xagjirnimada, argagixisada iyo faqriga”. sidaasi waxaa yiri safiirka Midowga Yurub ee dowladda Kuwait.

 

Shirka looga hadlayo taageerada waxbarashada Soomaaliya, ayuu sheegay in ahmiyad u leeyahay guud ahaan dalka Soomaaliya, iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Shirkaasi oo ka dhacaya gudaha Kuwait, waxa uu noqon doonaa mid lagu xaqiijiyo mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed, waxaan ugu yeereynaa caalamka inay ka soo qeyb galaan shirka, marka aad wax barto canugaada, waxaad wax bartay ubad dhan”. ayaa uu hadalkiisa raaciyey danjiraha Midowga Yurub ee dowladda Kuwait.

READ MORE:  DAAWO SAWIRADA: Sarkaal ka tirsan Dowladda Oo Qarax lala eegtay?

Arrintan ayuu sheegay inay fursad wanaagsan u tahay beesha caalamka oo dooneysa inay cusbooneysiiso taageerada xalinta iyo horumarka dalka Soomaaliya.

“Si wadajir ah, Saaxiibayaal, waan sii wada doonaa dadaalada Qaramada Midoobay taageereyso ee looga baxayo heerka kala guurka, waxaan dooneynaa in shacabka Soomaaliyeed ay dareemaan taageeradeena shacab iyo midda dhaqaale”. ayaa uu hadalkiisa ku sii daray.

Wuxuu sheegay in sanadkii 2017 Soomaaliya ay ku taageereen 50 Milyan oo doolar ayna ku bixin doonaan dhaqaalo kale oo horumarka iyo soo kabashada Soomaaliya lagu taageerayo.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->