Imaaraadka Carabta: “Aad iyo aad ayaanu u adkeyn doonnaa midnimada Soomaaliya” | Afrikada

Imaaraadka Carabta: “Aad iyo aad ayaanu u adkeyn doonnaa midnimada Soomaaliya”

Afrikada, Brussels:  Danjiraha Imaaraadka Carabta ee midowga Europe, Luxembourg iyo Belgium-ka Mohamed Issa Alsuweydi ayaa  sheegay in wadankiisa uu adkeynayo ilaalinta amniga, midnimada iyo nabadda Soomaaliya.

Danjiraha oo hadalkan ka sheegay shirkii magaalada Brussels ka dhacay 16-kii ilaa 17-kii bishan July ayaa wuxuu tilmaamay inay soo dhaweynayaan shirkii Golaha amniga Qaranka ay ku yeesheen magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka ay wadamada gobolka iyo Hay’adaha daneeya arrimaha Soomaaliya kala hadli doonto sidii ay u kordhin lahaayeen taageerada Soomaaliya ee dhan walba.

“Waxaan adkeyneynaa ilaalinta amniga, midnimada iyo nabadda Soomaaliya, waxaanu nahay laba wadan oo walaalo ah, sina uma kala maarano, shirkii Baydhabo ee Golaha amniga Qaranka wuxuu ahaa mid horey u socosho leh, Imaaraadka wuxuu si dhaw ula shaqeynayaa wadamada gobolka iyo guud ahaan beesha caalamka, si Soomaaliya ay horey ugu sii socoto.” ayaa uu yiri Amb. Mohamed Issa.

Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka oo maalin k ahor lagu soo gaba gabeeyay shirkii arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa la aaminsan yahay in dowladda federaalka ay shirkan kadib heli doonto taageero dhinacyo badan ah oo wax ka qaban kara baahiyaha dalka ka jira.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->