Donald Trump Oo Aqalka Cad ku Qaabilaya M/weynaha Ruushka

Xilli ay jirto dhaliil ku aadan in Trump uu ku fududaaday in uu kulan gaar ah la qaato madaxweynaha Ruushka ayaa waxaa soo ifbaxeysa in Trump uu ugu dambeyn qaabili doono madaxweynaha Ruushka.

Vladimir Putin ayaa imaan doona aqalka Cad ee Mareykanka kadib amar uu Trump siiyey xoghayihiisa arrimaha dibadda.

Dhanka kale madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dhaliil u jeediyay dadka ku nool Mareykanka oo uu sheegay in ay sii xumeynayaan xiriirka siyaasadeed ee Ruushku la leeyahay Mareykanka.

Mr Putin ayaa waxa uu ku tilmaamay kulankii dhexmaray isaga iyo Trump uu ahaa mid guulaystay.

Mr Trump ayaa lagu eedeeyay in uu mowqif jilicsan ka qaatay Ruushka, gaar ahaan arrinta in ay faragalin ku sameeyeen doorashadii Mareykanka.

Madaxwayne Trump ayaa isagu horey waxaa u soo fuulay cadaadis xooggan tan iyo intii uu magaladda Helsinki kula kulmay dhigiisa Ruushka.

Aqalka Cad ayaa soo saaray war ah in dowladda Ruushka ay weli halis ku tahay doorashooyinka mustaqbalka ee Maraykanka, wuxuuna hadalkan soo baxayaa xilli hubanti la’aan ay ka jirto hadalo uu horay u yiri madaxweyne Trump oo diiday in Ruushka ay inaba farogalin ku sameeyeen doorashooyinkii Maraykanka ee uu isaga kusoo baxay.

READ MORE:  Xildhibaanad Ruush ah Oo ka digtay in aan la dhex gelin booqdayaasha ciyaaraha K/adduunka

Balse gabadha ah afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa tiri: “Madaxweynaha waxa uu ka shaqaynayaa sidii Ruushka aysan ugu suurtogali lahayn in ay farogaliyaan doorashooyinka Maraykanka sidii ay horey u sameeyeenba”.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->