DAAWO: Wadahadal Horumarinta ah Oo dhex Maray Villa Somaliya iyo Qadar

Afrikada, Muqdisho: Xilli Imaaraadka Carabta iyo Sacuudigu maalgashi xooggan ku sameysteen Dalalka Ethiopia iyo Eritrea isla markaasina heshiisyo kala dhex dhogeen dalalkaas ayaa waxaa. dowladda Soomaaliya ay iyaduna u yeeratay wadanka go’doonsan ee Qadar.

Kulan ayaa ka dhacay m/tooyada waxaana shir gudoominayey Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

G/doomiyaha baarlamaanka ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza oo ay ku wehlinaayeen saraakiil ka tirsan Safaarada Qadar ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa loogu hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood iyo Sidoo kale kulanka waxa loogu hadlay wada shaqeynta baarlamaanada labada dowladood ee Qadar iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Amb. Xasan Xamza ayaa guddoomiyaha golaha shacabka kaga mahad celiyay sida diiran ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay.

”Mudane guddoomiye waxa marka hore hambalyo iyo salaan kaaga wadaa guddoomiyaha baarlamaanka Qadar, dowladda Qadar waxay balan qaadeysaa iney dhinac walbo ka taageereyso golaha shacabka, waxa ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada baarlamaan“. ayuu yiri Safiirka.

READ MORE:  DAAWO:Laas-Caanood Oo Gabdho la kala dhacayo+Gaboodfallada SNM ee G.Sool

Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacbaka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in dowladda Qadar ay kaalin weyn ka qaadaneyso hormarka dalka ka socdo.

”Dowladda Qadar waxa ay qeyb weyn ka qaadaneysaa hormarka dalka ka socdo, barnaamijyo hormarineed oo shacabka wax weyn u tari doono mustaqbalka ayay dalka ka wadaa” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabaka.

Guddoomiyaha ayaa safiirka kaga mahad celiyay dadaalada uu ku xoojinayo xiriirka labada dowladood iyo labada baarlamaan.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Habdhowraha golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan “Nuux”.

SAWIRADA:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->