Wasiir C/risaaq: “Dowladdu Ma Gaarsiisna Heerkii La rabey, Waa Sii baaba’aynaa Ee aan Wada hadal la galno Al-Shabaab..?” | Afrikada

Wasiir C/risaaq: “Dowladdu Ma Gaarsiisna Heerkii La rabey, Waa Sii baaba’aynaa Ee aan Wada hadal la galno Al-Shabaab..?”

Afrikada, Muqdisho: Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed hadana ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka hadlay doorka dowladda Maxamed C/laahi Farmaajo ee soo celinta rajadii amniga iyo kala dambeynta.

Wasiirkii hore ee amnigacayaa sheegay in xilligii uu Wasiirka ahaa in isgoysyada Magaalada Muqdisho ay ku xireen 48 Kaamirooyinka muuqaalada qarsoon duuba ee loo yaqaano CCTV, kuwaasi oo uu tilmaamay inta badan in hada aysan shaqeyneyn.

Wuxuu sheegay arrintan in ay ku timid dowladdan hada jirta oo uu sheegay inay ka gaabisay in arrintaasi ay socodsiiso oo ay dabagal ku heyso si ay u sii shaqeeyaan Kaamirooyinka.

Wasiir C/risaaq ayaa qiray in dowladda aysan gaarsiisaneyn heerkii la rabay, wuxuuna tilmaamay tayada ciidadama in aysan dhameystirneyn iyo dhinaca sirdoonka oo aan gaarsisaneyn meeshii la rabay.

Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ku qeylo dhaamiyey:  “Aniga waqtigii aan meesha joogay waliba sanadkii ugu dambeeyay waxaan bilownay inaan Shabaab wada hadal la galno, dowladda hada jirtana waxaan ku dhiirageliyay in wada hadalkaas la sii wado, kooxaha argagixisada keliya laguma jebin karo awood Millatari, balse waxaa muhiim ah in lala galo wada hadal” ayuu yiri Wasiir C/risaaq.

READ MORE:  Lacagta Shillinka Soomaaliga Oo ka Socon Weysay Qaar ka mid ah Suuqyada Muqdisho

Warar hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ka baqeyso oo keliya ciidammada Afrikaanka ee haddii ay bixi lahaayeen murugo intaan kabadan meesha ka dhici laheyd, iyadoo madaxda har cad wadooyinka lagu gowrici lahaa.

Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in ay heysato naftood hurayaal badan, tani oo noqotay musiibo weyn oo dhulka la goysay hankii dowladnimo iyo horusocodkii madaxda la doortay.

M/weyne Farmaajo ayaa muqaabaraad hoose kula taliyaan in uu ka warwareegsado meelaha loogu soo geli karo, sida Villa Soomaaliya oo uu marna ka dhoofo marna si sir ah loogu waardiyeeyo guryo kale oo Muqdisho dhexdeeda ah, mudane RW Kheyre ayaa isaguna aad isku waardiyeeya si aysan amni xumada caalamku u dareemin sameystayna dad dhinacyada ka orda baabuurtiisa (Cosmetics) xilli ay muuqato in irridkii madaxtooyo la isku hor fadhiyo, farahana la isku saarayo derbigii Radio Muqdisho iyo xeyndaabkii taliskii ciidanka booliska dalka.

Ileeyn horaa loo Yiri: ” Dantiis Mooge Maro Duug ah horteed ayuu dhammaadaa’e”

READ MORE:  Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland oo lagu Xanibay gegida Aadan Cadde

RW Kheyre waqtiga la joogi waxba ma dhaamo ‘Ciyaal Ziyo is Qalqaloocinaya oo Hees raab ah tirinaya,’ xilli isfara saarku gurigiisa iridkiisa ka socdo., sida ‘guuxa dadweynuhu u muuqdo.’

Sababaha madaxda loo dhaliilayo ayaa sidoo kale ah iyagoo shacabka qiyaanaya, tuute xirteen oo hilibka iyo beerka isku dhex rifaaqday, afkana ka buuxsaday hantidii shacabka, geesahana ciidamo isku wareejiyey, halka Al-Shabaab ay safka hore soo gelineyso mid waliba kan ka sii musiibeysan. Kuwaan maxaa u diiday sidaas? Xaalku ma sahlana.

Lama oga in Al- Shabaab ay ka soo jawaabi doonto baaqa wadahadalka ah, xilli aysan iyaguba indhaha la’ayn oo ay u jeedaan in loo jabay oo dowladdii u dhutineyso dhaawaca jugta ku dhaceysa awgeed..?!

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Mukhtaar Roobow Oo la afduubtay Iyo Xabadda Oo dhaceysa Baydhabo?
- Dec 13, 2018
Afrikada, Baydhabo: War haatan ina soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Beydhabo uu ka ...
Dhaqaalaha wadanka Soomaaliya oo kobac dhaqaale gaaray 3.1 sanadka sii dhammaanaya ee 2018.
- Dec 12, 2018
Afrikada, Nairobi:  Wadanka Soomaaliya ayaa gaaray kobac dhaqaale oo dhan 3.1 sanadda sii dhammaaneysa ...
DAAWO: Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 12-12-2018
- Dec 12, 2018
DAAWO: Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 12-12-2018 HALKA HOOSE KA DAAWO:  
DAAWO Somaliland oo ka carootay RUQSADII la siiyey Maraakiibta Shiineyska Iyo Shiinaha Oo Kalluunka ka Iibinaya Kenya?
- Dec 12, 2018
Afrikada, Hargeysa: Kadib markii dowladda Soomaaliya ay ruqsad siisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ...
Hogaamiyeyaasha Isbedelka Waqtiga dartiis loogu kacsan yahay Caalamka AKHRISO!!!
- Dec 12, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli kala guur ah oo dowlad kasta ay soo bandhigeyso wixii ay ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->