TAHRIIBKA: Dadyow Afrikaan Kontoonero lagu Daabulay Oo Neeftu Ku dhegtay | Afrikada

TAHRIIBKA: Dadyow Afrikaan Kontoonero lagu Daabulay Oo Neeftu Ku dhegtay

8 ruux oo 6 carruur yihiin ayaa konteenaro dhexdooda laga helay. Dadkani ayaa neeftu ku dhegtay markii knoteennarada birta ah la furay, Waqooyi Galbeed wadanka Liibiya. Arrintan ayaa dhacday maalintii Isniinta.

Madaxda wadanka Liibiya ayaa sheegay in 90 qof ay ku jireen konteenarka iyagoo xaaladoodu meel xun ay gaartay kadibna waxaa loola cararay cusbitaallada si loo daweeyo, agaasinta dhanka nabadgelyada ee magaalada Zuwarah ayaa warkan u sheegay warfaafinta.

Dadkani ayaa ahaa dad muhaajinriin ah oo ka kala yimid wadammada Afrika iyo Carabta iyo sidoo kale wadammada Paakistaan iyo Bangladheesh sida warbixintu qortay .

Agaasinka magaaladaasi dadkan lagu qabtay ayaa sheegay in muhaajiriinta lagu soo khufulay konteenar dhexdiisa ayna muddo dheer halkaasi ku jireen.

Liibiya ayaa ah meel ay ka gudbaan muhaajiriinta u socdaaleysa ama doonaya in ay ka udbaan badaha u dhexeeya wadammada Yurub iyo Afrika, waxaana gaar ahaan ay diiradda saaraan wadanka Talyaaniga.

Tan iyo intii ay dhacday dowladda Liibiya sanadkii 2011-dii, ayaa wadanku waxaa gobolladiisa Waqooyi Galbeed ay xarun u noqotay muhaajiriin qalaad kuwaasi oo si sharci darro ah uga tallaabayey badweynta Medditerranean-ka halkaasi oo ay uga sii tillaabayeen wadammo ku yaal qaaradda Yurub.

READ MORE:  DHAGEYSO: Weriye Jamaal Khashoggi faraha ayaa laga jaray, kadibna Qoorta, Kadibna Jir-kiisa Oo dhan Cad Cad ayaa Loo Jar-Jaray?

SAWIRADA KONTEENARRADA:

 

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->