Shacabka Muqdisho Oo dareemaya In aysan iyagu laheyn “Dhulka ay u Dhasheen” Maxaa ka maqan Reer Muqdisho Oo ay u Degi la’yihiin???

Afrikada, Muqdisho: Dadka reer Muqdisho oo lagu tilmaamo in ay yihiin “madaxii wadanka” ayaa wajahaya marxalad jahawareer iyo deganaanshiyo la’aan ah.

Waxa ay ku dhaqmayaan haddii laga sheekeeyo wadnaha ayaa naxdin darteed ku go’aya.

Reer Muqdisho maanta waa dad aysan maskaxdooda fadhin, laga gardaran yahay dushoodana ay ku dagaalamayaan xoogag aan danta Xamar wadin balse ismooda in ay wax weyn qabanayaan.

Dadku ma shaqeysanayaan, waa niyadjabsan yihiin, beledkani isaga ayaa iska nuuraya oo nolol maalmeedka soo dhacsogiisa unbaa weli sidaas u nuurinaya, ileyn waa caasimade.

Muqdisho dadkeeda “Maxaa iga galay?” ayaa halheys u ah mana kala jecla haddii reer hebel hoobiye lagu dhufanayo, iyo haddii oday dhaqameedkii la gowracayo oo uu banaankaas cidlada ah ku rafanayo?

Waa meel “Occupied Territory” ah oo awoodo kala nooc nooc ah ay xoog ku maamulayaan si ay danahooda uga fushadaan, awoodahaas waxaa ka mid ah AMISOM, federaal, Al-Shabaab, hey’ado gargaar, suuqley iyo safaarado, sarrifle iyo soortiisa ilaashade, iyo gegi ilaashade iyo dekad kala soo dege.

READ MORE:  AKHRISO: Damaca FARMAAJO Iyo Doqonnimada XASAN Sheekh waa mid Lugooyo Ku ah Soomaalida?

Dhamnaantood sharci xalliya ma jiro, nin walba dantiisa ayuu wataa.

Maxaa keenay in Muqdisho kalsoonidii ka dhunto? War ma weysan dadweynuhu damiir laheyn? war sidee ugu adkeysteen in ay daawadaan hoobiye guryahooda lagu ag rakibayo oo dad lagu leynayo? Isqarxin, isqarribid 30 sano soo socday…War maxaa Muqdisho ay tabeysaa oo ka maqan? Intee laga heystaa! Yaa sixray dadkaan? Mise waa Qataaran yihiin oo musmaar ayaa geed loogu muday? Muqdisho maankii gadaye Ma masaar beey liqday?

War yaa Muqdisho maray oo miyirkeedii daboolay?

Su’aalahan iyo kuwo kale oo balaayiin ka badan waxa ay ka dhexguuxayaan maskaxda qof kasta oo Soomaali ah? Jawaabtuse aad ayey u fududahay! oo maqaam laay Muqdisho iskuma tashaneyso ilaa dadkeedu aayaheeda raadiyaan!! Dadkeeda Qof walba ma noqon karo, meel waliba Maamul ayey leedahay kaasi oo soo celin kara hadduu dareemo in meeshu meeshiisii tahay? Hasaba nin ka yimid Dubai ma dareemi karaa taas? Maya, mid ka yimid Ankara ? Maya waxaa Muqdisho kalsoonideeda soo celin kara marka maqaam sal balaran inta loo yeelo ay dowladda dhexe edeb ka yeelato oo ay madaxtooyadeeda ku ekaato Ismaamulkana la gaarsiiyo heerka gobollada kaleba isugu tashadeen, biyaheeda iyo korontadeeda, isgaarsiinteeda iyo suuqyadeeda qashinka xaaqato, dhisato wadooyinkeeda isla markaasina gurato canshuurteeda. Maanta hal nin ayaa gobolkii Banaadir noqday mana jiro isbasiini iskiis intuu hurdada uga soo kaco xaaqaya wadada?

READ MORE:  DAAWO:Gabadhii soo Guursatay 'Ninka Dadka Ku Soo Dilay Mareykanka' Oo tiri 'Alla Ninkeyga macaane Ii Daaya, "Cadde Caanaha Labeentooda" Dhunkasho MAC dhabanada kaga dhejisay..yaab!!!

Ma jiro nin reer Muqdisho ah oo kalsooni ku qaba xaafadii uu ku dhashay waxaana korkiisa ku dagaalamaya labo nin oo uusan garaneynin, iga tagana uusan dhihi karin.

Muqdisho waxa maanta ka qiimo badan Kismaayo, Baydhabo iyo Jowhar sababtoo ah mid waliba ismaamul ayey leedahay.

War yaa ku dhegan Muqdisho, maxaa suuro gal ah si aynu u sameyno wax waliba oo Muqdisho isku arki karto? Oo ay dadkeedu ku faani karaan?

Meelna uga soo wada jeesan karaan nidaam wanaagsan iyo shaqooyin loo helo dhammaan dhallinyarada gobolka oo dhan? Maxaa Muqdisho maseyrka ka bi’in kara?

HALKA HOOSE KA DAAWO:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Baarlamaanka Oo maanta ka doodaya xeer hoosaadka golaha?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Sharci dejiyeyaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ...
DEG DEG: Toogasho ka dhacday Xarun uu booqanayey m/weyne Cabdiweli Gaas?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Boosaaso: Koox dabley ah ayaa weerartay xarunta dowladda hoose ee magaalada Boosaaso. Warar ayaa ...
Prof Yahye Aamir: 7 kooxood ayaa Fulisa dilalka Muqdisho, anigu ma sheegi kari cida ay yihiin, dowladuna ma laha indho laga Baqo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Prof Yahye Shiikh Caamir ayaa sheegay in qaraxii lagu dilay walaalkii ...
DAAWO Wararkii ugu dambeeyay iyo SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED Oo Tacsi U diray Qoyskii ninkii la Gubay?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ka waramay dhacdadii ...
Siyaasi Caan ah oo kashifay sababta FARMAAJO uga tacsiyeyn waayey NINKII LAGU GUBAY Muqdisho?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xilli dadku xaqa iyo cadaaladda u kaceen ayaa afkiisu juuqda gabay madaweynaha ...
%d bloggers like this: