Subscribe

DHAGEYSO: Axmed Madoobe Oo Ceebeeyay AMISOM iyo madaxda Dowladda dhexe+”War Kuwaan Dagaal Kuma Jiraan Ee Dano kale ayey Wataan”

Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha is-maamulka Jubaland ayaa ka hadlay shirka Brussels ee ka soconaya wadanka Belgium-ka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Soomaaliya aan loo dhisin ciidamo milleteri ah iyo bileyska suga amniga, waxaana uu sheegay in deg deg loogu baahan yahay in la dhiso ciidamo qaran oo dhameystiran.

Mar uu ka hadlay heshiisyadii hore ee maamulada dalka lala galay ayaa uu sheegay in aan waxba laga fulin heshiisyadii ka soo baxay shirarkii horay loogu qabtay dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Sidoo kale, isaga oo ka hadlayey dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka guud ahaan ayaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo madaxda AMISOM aysan diyaar u aheyn in dalka laga saro Al-Shabaab. Waxa uu tilmaamay in dano lagu wato joogitaanka Al-Shabaab, danahaasi oo uu ka gaabsaday in uu cayimo.

Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubaland ayaa aad uga carooday shirka markii hore balse markii shirka ajendihiisa wax laga bedelay ayaa ay isaga iyo kooxdiisa dib ugu laabteen shirka. Sababta ayaa aheyd in warqadaha lagu soo qoray in aanu m/weynaha Jubaland ka hadleynin shirka, hase yeeshee markii uu arrintaa ka carooday Axmed ayaa wax laga bedelay waraaqaha. Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa qaarna markii hore la cayimay in ay khudbeeyaan halka qaarna aan lagu qorin in ay khudbad jeediyaan.

READ  Gudoomiyaha G/Banaadir Oo sheegay in Tillaabo adag laga Qaadi doono Shaqaalaha "Iska Qaata" Mushaharka Dowladda

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 14/08/2018
- Aug 15, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Wasiir Cawad: “Waxaan Dhexdhexaadineynaa Eritrea iyo Jabuuti” (Waa Socon Weynaye aan Orodno?)
- Aug 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo ...
%d bloggers like this: