Subscribe

DAAWO SAWIRADA: Al-Shabaab Oo Hadiyad Gudoonsiisay Oday Dhaqameedyo, mideysayna Qabaa’il dega meelaha ay ka taliyaan?

Afrikada, Muqdisho:  Wararka inaga soo gaaraya gobollada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in madax sare oo ka tirsan Al-Shabaab ay qabteen munaasabad dhaqameed.

Al-Shabaab ayaa caleemo Saartay Ugaaska beesha Geeladle oo ah Ugaas ka mid ah Ugaasyada beelaha Raxan- Weyn.

Ugaaska ayaa axdi Ku maray isaga oo ku sugan goob fagaare ah in uu waajibaadka loo idmaday uu gudan doono isaga oo qabiilkiisa runta indhaha ka saari doona, sida uu hadalka u dhigay.

Muuqaalo barta internetka la soo dhigay ayaa muujinayey saraakiisha ugu sareysa kooxda oo baabuur iyo hanti gudoonsiisay Ugaaska la caleemo saaray ee beesha Geeladle.

Ugaaska cusub ee la doortay ayaa lagu magacaabaa Ugaas Raage Macallim Barre Macallim Axmed, waxaana madasha xafladu ka dhacday uu ka sheegay in uu Ku faraxsan yahay in beeshiisu midowday xilli ay horey u kala qeybsanaayeen.

Wararka ayaa intaa raacinaya in Ugaas kale oo isaguna lagu magacaabo Ibraahim Aadan uu ugaaska cusub ee beesha Geeladle, gudoonsiiyay Kitaab Qur’aan, qori cusub oo AK47 ah iyo furaha gaari Qooqan ah oo ay iibiyeen qabiilka si uu Ugaasku ugu socdo.

READ  DHAGEYSO: Banaanbax ka dhacay Qardho oo looga hadlay arrimaha Laascanood

Halkaasi oo Ugaasku Ku aqoonsatay beeshiisa iyo odayaashii dhaqanka ee isugu timid goobta.

HALKA HOOSE KA DAAWO:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 14/08/2018
- Aug 15, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Wasiir Cawad: “Waxaan Dhexdhexaadineynaa Eritrea iyo Jabuuti” (Waa Socon Weynaye aan Orodno?)
- Aug 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo ...
%d bloggers like this: