DAAWO: Rasaasta Oo dhaceysa TUKARAQ & Ciidamada P/land Iyo Somaliland oo isku Garaacaya Madaafiicda Goobta !?
Afrikada, Tukaraq: Dagaal xooggan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsadanayo ayaa ka soconaya TUKARAQ oo ka tirsan gobolka Sool. Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidammada kala gedisan ee labada maamul ee S/land iyo P/land.
Lama oga sababaha dagaalku hadba u soo cusboonaanayo oo rasaasta la isugu tuur tuurayo balse ilo ka agdhow TUKARAQ ayaa ku soo waramaya in howlgalladu la soconayaan xaaladaha siyaasadeed iyo amarrada talisyada labada caasimadood ee Hargeysa iyo Garoowe.
Wararka qaar ayaa sheegaya in milleteriga maamulka Somaliland ay saaka subixii hore ilaa maanta iyo xalay ay ciidammo xoog badan ku daad guraynaynayeen jiidaha hore ee dagaalka Tukaraq waxaana la sheegay in la iskaga kala keenay deegaano ka tirsan goboladda Sool iyo Togdheer kadib markii cadaadis xoogan uu ku saaray hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi taliyaha ciidamadiisa in uu ku dhawaaqo xaalad dagaal.
HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<