DAAWO: Hal Arrin Oo ay Al-Shabaab Si Xun Uga Naxeen Oo Muqdisho Ka Dhacday
Afrikada, Muqdisho: Hal arrin oo cabsi galisay dad badan ayaa ka dhacday Muqdisho. Waxaana cabsida ugu badan ay wajaheysaa kooxaha mintidiinta ama dadka naftooda haliga. Waxaana markii ay qaraxyada ku dhintaan ay meydadkooda kuwo sidii xoolo bakhtiyay aan la duugin.
Waxaa ficiladaan sameyn jirey boqortooyooyinkii hore iyaga meydadka cadowgooda jidadka soo dhigi jirey.
Meydadka oo laga tagaa waxa ay maskaxiyan wax u dhintaa aadmiga kale ee noolaha ah, iyadoo ruuxa dhintay uu ku laabto asxaabtii uu hore kownka ugu lahaa, waxaana halkaasi ruuxadaasi dhibaato u geysataa maskaxda saaxiibada Kuwa raqda noqday.
Raqda meydadkii maleeshiyaadkii shalay Al-Shabaab ay weerarka u soo adeegsadeen ayaan weli la duugin. Waxaana ay warnaayeen afaafka hore ee Beerta Nabadda Koontaroolka Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda.
Raggaan Meydka ah ayaa gaaraya afar ruux oo la is dul saaray kadibna joodari dusha laga saaray illaa shalay markii weerarka uu dhacayna halkaasi yaal.
Cilmi baarayaasha ayaa sheegaya in meydadka cadowga oo aan la duugeynin ay jab hor leh gaarsiiso saaxiibada kuwa la dayacay, waxaana ay meydadka aan la duugin ay musiibo u muujisaa dadkii ku fekerka ahaa ama ay bahwadaagta ahaayeen oo ay ruuxaantu dib ugu noqdaan iyaga oo su’aalaya sababta?
Cilmi ahaan dhimashada ayaa ah xaq, ha yeeshee, ficilka duugta ayaa ah mid Eebbe (kor ahaaye) micno weyn geliyay.
Si kasta, meydadka aan la duugin ayaa ah weerar dadban oo dadku qaadi karaan, waxaana adeegsan jirey quruumihii hore, iyadoo kuwa jirkooda laga soo lalmiyo magaalooyinka ay yihiin kuwo ka sii saadaal daran kuwa jidadka looga tago.
Dadka Muqdisho ayaa naceybka ay u qabaan kooxahan uu sii kordhayaa, walow aan la ogeyn xilli Al-Shabaab dareemi doonaan musiibooyinka ay galabsanayaan.
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<