DAAWO: Dr CabdiWeli Gaas Oo Dagaal Kaga Dhawaaqay Brussels, Axmed Madoobe Oo LAAD ku Dhiftay Kursigii “Sidee DHUXUSHA Wax la iiga Weydiin karaa” Iyo Kala Carar ka dhacay Shirka

Afrikada, Brussels:  Shirka ka soconaya Brussels ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ayaa weji kale yeeshay kadib markii Qisooyin la yaab leh ay ku kaceen hogaamiyeyaashii halkaasi loo geeyay in lala xisaabtamo oo ay soo bandhigaan waxa ay dadkooda u qabteen.

Ajendahaasi markii la qeybiyay ayaa waxaa goobta ka booday Axmed Islaan Madoobe isaga Oo banaanka u cararay, Axmed Madoobe ayaa warqadda la qeybiyay ku arkay waxyaalo ka hadlaya Sonkor la gooshiyo, Dhuxusha Ciidammada Keenya iyo maamulka Jubaland lagu eedeeyo iyo arrimo badan oo Jubaland Quseeya. Waxaa uu diiday in uu shirka soo fariisto, ha yeeshee halkaasi waxaa iska daba orod galay dadkii meesha mas’uulka ka ahaa, waxaana Axmed laga daba diray mas’uuliyiin gaar ah.

Axmed Madoobe ayaa lagala hadlay qobobbo labo ah oo kala ah Dhoofinta dhuxusha iyo arrimaha Xuquuqda Aadmiga, Waxaana uu sheegay in uu doonayo in arrimahaani meesha laga saaro, Oo si caadi ah loo wada hadlo.

Ninka Axmed Madoobe soo celiyay ee cadaanka ah ayaa la sheegay in uu qaabilsan yahay dhinaca bani’aadanimada kaasi oo ku guuleystay in uu Axmed kursiga ku soo celiyo.

READ MORE:  DHAGEYSO: RW Kheyre "Waxaa jira Afku dhiiglayaal, Mana Aqbaleyno”

Axmed ayaa loo yeelay sida uu isagu shaqsiyan rabo.

Dhanka kale madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii shirka loo soo baxay shaac cabidda waxaa ku karay dhiigii kadib markii uu weriye wax ka weydiiyay arrimaha colaadda Tukaraq.

Dr. Gaas ayaa telefishinka Somali Cable u sheegay in ka dacwoonayo Muuse Biixi oo uu shirka ka hadli doono, mar wax laga weydiiyay in ay Beesha Caalamka Muuse ka kicin doonto TUKARAQ Waxaa uu Ku jawaabay: “Beesha Caalamka Muuse Ma Kicin Doonto Ee hadalka iyo baaqa aynu inta ka dirno ayaa uu wax ku ogaanayaa.

Dhanka kale waxaa goobta joogey oo Nin waliba oo madax ah wareysanayey weriye ka socda maamul goboleedkiisa taasi oo keentay in Feysal Cali Waraabe uu isaguna u waramo telefishinka Somaliland, Feysal ayaa sheegay in isaga iyo Prof. Cali Khaliif Galeydh ay wada socdaan isla markaasina ay dowladda federaalka ku dacweyn doonaan shirka, iyaga oo ujeedkooda ugu wayn uu yahay sidii SOMALILAND dib ugu soo ceshan laheyd mucaawinadii ay ka heli jirtey dowladda federaalka Soomaliya ee dhowaan laga goostay.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->