AKHRISO: Midowga Yurub Oo DegDeg U Bixiyeen Lacago intuusan Shirka Brussels ku bilaabmin

Afrikada, Brussels: Waxaa Midowga Yurub ay khasnadahooda ka soo faqeen malaayiin doolar oo laga hagranayey in wax loogu qabti dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Lacagahan waxa lagu balan qaaday bixintooda shirarkii hore ee ka dhacay wadamada Yurub, haatan ayey wadamada Yurub ku soo baraarugeen si ay u helaan waxqabad ay ka sheegaan shirka Brussels.

Lacagta Midowga Yurub bixisay ka hor shirka Brussels ayaa ah barnaamij shacabka dhibaateysan lagu dagayo, waxaana la doonayaa oo keliya in shirka laga yiraahdo “waxaanu bixinaya intaasi oo milyan” iyadoo saacadda la joogo aan warqad lagu qorin ujeedada saxda ah ama musiibada looga hortagayo ee hadda taagan.

Golaha Europe waxay shaaciyeen inay Ururka Midowga Europe (EU) ansixiyeen 89 million oo Euro oo u dhiganta 105 million oo Dollar oo lagu taageerayo Hawlaha Samafalka ee Somalia.

Lacagtani oo horey khasnadaha EU ee Afrika loogu soo shubay ayaa waxaa haatan loo soo xaaqay si shirka cusub lacago kale oo balanqaad ah looga helo.

READ MORE:  Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)

Ma jirto nidaam loogu dacwoon karo in lacagtaasi ay aheyd in goor hore musiibooyinka lagu qarash gareeyo, tusaale ahaan musiibadii fatahaadaha oo ay aheyd in wax loogu qabto rayidka.

EU-da ayaa xafiiskoodu ku yaal Nairobi waxaa lagu takri falaa deeqaha rayidka tabaaleysan ee gobolka waxaana shaqsiyaadka haya deeqahaasi oo cadaan iyo madowba leh ay lacagaha u diraan Soomaaliya marka ay maqlaan waa la shirayaa, iyagoo og in hadii lagu ogaado la weydiin doono Lana ganaaxi karo sababaha aan loo bixin deeqihii hore, inta aanba arrimo kale laga shirin.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Sababta Bulshada ay Garsoor Ugu Doontaan Al-Shabaab?
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta keentay in inta ...
Qalbi-dhagax oo ka warramay safarkiisa Hargeysa (Sawirro)
- Sep 25, 2018
Afrikada, Muqdisho: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray Cabdikariin ...
DAAWO: Qalbi-Dhagax iyo Aadan Barre oo ku kulmay Nairobi
- Sep 24, 2018
Afrikada, Nairobi: Xildhibaanka laga soo doorto caasimadda gobolka Waqooyi Bari ee Gaarisa mudane ...
10 Al-Shabaab ah Oo lagu dilay degmada Pandanguo, ee Lamu, Kenya
- Sep 24, 2018
Ciidammada Difaaca Kenya ayaa sheegaya in ay dileen tiro ka badan 10 maleeshiyaadka Al-Shabaab ...
DHAGEYSO: Xildhibaano doonaya in ay siidayaan Dadkii gubay Marxuum Axmed dowlo?
- Sep 24, 2018
Afrikada, Muqdisho: Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday ...
%d bloggers like this: