M/weyneyaasha dalkeenna Farmaajo iyo C/Weli Gaas Oo u Sii tartamaya Yaan lagaaga hormarin Shirka Brussels+Muqdisho Oo Qaaceysa!!!

Afrikada, Muqdisho: Waxaa furmi doona shir looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Waxaa shirka u sii dhaqaaqay labo ka mid ah madaxda Soomaalida. Waxaa madaxdaasi ka mid ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ oo si hor dhac ah shirkaasi ugu duulay.

Dhanka federaalka waxaa warbaahinta la hadlay madaxweynaha dowladda dhexe oo sheegay in uu ka qeyb gali doona Shirka halkaasi ka furmaya caasimadda Brussels ee wadankaasi Belgiumka.

Shirkaasi waxaa ka qeyb gali doona saraakiil ka kala socota AU, IGAD, EU, UN iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa isagu Garoowe ka duulay oo shirka u dhoofay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland mudane C/Weli Maxamed Cali Gaas. Lama shaacin madaxda kale ee gobollada weli waxaana laguvwadaa in ay halkaasi tagaan madax fara badan oo metali doonta Soomalida.

Madaxweynaha Puntland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ka qeyb gali doona Shirka halkaasi ka furmaya ee looga hadlaayo Arrimaha Soomaaliya.

Cadaadis ayaa saaran dhinacyada shirka aaday waxaana ay ku soo beegmaysaa xilli dagaalada iyo rabshaduhu ka soconayaan Tukaraq, caasimadda Muqdisho iyo gobollada dalka.

READ MORE:  DAAWO: Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo Oo Khudbad CAJAA'IB AH u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed

HALKA HOOSE KA DAAWO:

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->