Jubbaland Oo Digniin Kama dambeys ah U dirtay madaxda Federaalka+iyo M/weyne Farmaajo Oo aad uga MURUGOODAY Allow kuwaan Dhinac Iiga Bixi? | Afrikada

Jubbaland Oo Digniin Kama dambeys ah U dirtay madaxda Federaalka+iyo M/weyne Farmaajo Oo aad uga MURUGOODAY Allow kuwaan Dhinac Iiga Bixi?

Afrikada, Muqdisho:  Dowlad goboleedka Imaaraadku taageero ee Jubaland ayaa fariin amar ah u dirtay maamulka Muqdisho ee uu hogaamiyo m/weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Jubbaland ayaa fariinteeda Oo ka koobnayd qoraal waxa ay uga hadashay Khilaafkii dhowaan ka dhashay magacaabista Taliyaha Ciidamada xoogga qeybta 43-aad.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Siyaad Aadan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha in uusan iska dhigin ‘Lax dhukan Col iyo abaarba Moog’ isla markaana uu dib u eego dastuurka iyo shuruucda u degsan isdhaafsiga milleteriga iyo soo diritaanka abaanduulayaasha dagaallada.

Waxaa uu sheegay in aan maanta loo baahneyn in uu khilaaf soo gala dhex galo Ciidamada xoogga qeybtooda 43-aad, Maadaama ay Jubaland Ku mashquulsan tahay dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Jubbaland ayaa aad uga taxadareysa in taliska Daljir we Farmaajo iyo Kheyre ay maamulkaas burburiyaan xilli ay ka soo takhaluseen maamuladii ka jirey Hirshabeelle iyo Galmudug.

Dowladda Jubaland ayaa dhinaca kale dooneysa in maamulka federaalku sii iclaamiyo isla markaasina si miyir leh u maareeyo waxyaalaha dastuuriga ah iskana ilaaliyo xadgudub iyo awoodsheegasho.

READ MORE:  DHAGEYSO: "Dowladda Jabuuti Oo ka aargoosatay SOOMAALIDA, Jabuuti Haddii aan Nahay nama Quseyso Dilka lagu hayo Soomaalida"

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in federaalku Ku amreen taliyihii laga celiyay Kismaayo inuu ka wareego dhinaca gobolka Gedo, isaga oo u weecday magaalada Garbahaarey, isaga oo aan ogolaanshiyo ka heysanin maamulka Jubaland.

Waxaana halkaasi loogu dhigay munaasabad balaaran oo uu xilka ciidanka kula wareegayay.

Lama oga sida Jubaland u aqoonsan doonto Taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka Sareeyo Guuto Cali Maxamed Maxamuud.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->