Subscribe

DEG DEG: Qaraxyo Is Xig Xiga Oo Ka Dhacay Muqdisho+Al-Shabaab Oo Sheegatay mas’uuliyada

Afrikada, Muqdisho: Waxaa faahfaahin dheeri ahi ka soo baxeysaa qaraxyo culus oo lala beegsaday meelo u dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Dableyda weerarka soo qaaday ayaa markii hore bilowday dagaal culus
iyaga oo dagaalka oo socda qaraxyo waaweyn fulinayey.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhashay gaari ay wateen dableyda hubeysan, halka qaraxa labaad uu ka dhacay Kontaroolka Ceel-gaabta waxaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

Qaraxyadan ayaa lagu dilay qaar ka tirsan milleteroga dowladda fedraalka ee Soomaaliya. Waxaana ay ku soo beegmayaan xilli u safarro is daba joog ah dibadda dalka ugu kicitimayo madaxweynaha talada xukuumadda haya m/weyne Farmaajo.

Durba Kooxaha ka dagaalama Soomaaliya ayaa sheegtay qaraxyada maanta ka dhacay Ceel Gaabta iyo SYL oo labadaba ku yaal degaandega xiga dhanka koonfur bari ee madaxtooyada.

AlShabaab ayaa war ay ku faafiyeen bartooda warbaahinta ku yiri:

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgal culus ka wada xarumaha murtadiinta ee kuyaal Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyada, howlgalka Mujaahidiinta ayaa sidii loo qorsheeyay u socda wixii faah faahin ahna dib ayaan kasoo sheegi doonnaa haddii alle idmo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

READ  DHAGEYSO: Awood milleteri Oo Garoowe ka sii ambabaxeysa & Weerar Aan laga Fursaneyn Oo Tukaraq laga Cabsi Qabo

HALKA HOOSE KA DAAWO:


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 14/08/2018
- Aug 15, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Wasiir Cawad: “Waxaan Dhexdhexaadineynaa Eritrea iyo Jabuuti” (Waa Socon Weynaye aan Orodno?)
- Aug 14, 2018
Afrikada, Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo ...
%d bloggers like this: