Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Oo Maxkamad Loo Soo Taagay Isticmaalka Maandooriyaha

Afrikada, Muqdisho: Xafiiska Xeer ilaalinta ciidammada Qalabka sida ayaa waxa ay maxkamadda darajada 1-aad ee ciidammada horkeenneen caddeymaha dambiyadii lagu soo eedeeyey 18 xubnood oo ka tirsanaa guutada 14-aad ee Oktoobar.

Eedeymaha ay xeer ilaalintu keentay waxaa ka mid ahaa in 18-kaan xubnood ay ku kaceen falal ka hor imaanaya sharuucda ciidanka, sida isticmaalka Balwadda, abaabulka iyo marin habaabinta Guutada dhexdeeda, taas oo ay ku weyn karaan ka mid ahaanshaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyah guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ugu dambeyn maxkamadda ka codsaday iyadoo la ilaalinayo midnimada ciidamada in ciqaab adag la mariyo raggan si kuwa kale ay ugu tusaala qaataan.

Ugu dambeyn fadhiga Maxkamadda waxaa soo xiray guddomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute) waxa uu u sheegay dhammaan ka qeybgalayaasha dacwadda in fadhiga xiran-yahay oo ay go’aanka dib ka soo saari doonto maxkamadda.

Guutada 14-ka October ayaa la’aas-aasay keddib weerarkii dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay isgoyska 14-ka October Ex Soobe ee Magaalada Muqdisho sanadkii tegay.

READ MORE:  Ciidamada ammaanka Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay 3 ruux

Xigasho: Radio Dalsan.

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




AKHRISO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo War ka soo Saartay Khilaafka Dowlada Dhaxe & Maamul-goboleedyada
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Wasaaradda arirmaha gudaha ee dowlada Federaalka Somalia ayaa War ka soo saartay ...
21 OKTOOBAR: Shacabka Gobolada Waqooyi Ma waxay Ka Dagaalameen Jaad Joojintii, Mise Cadaadis Kacaanka kaga Yimid
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Maanta waxaa afartan iyo sagaal sanno laga joogaa markii ciidanka xooga dalka ...
DHAGEYSO: M/Weyne Xaaf Oo Ku Baaqay In Ciidamo Xoog badan ay Sameystaan Hogaamiye goboleedyada?
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Mamulka Puntland waxaa ka socda Shirka Golaha ...
DHAGEYSO: Taliyaha Xoogga Dalka Oo Sheegay In ay Bilaawdeen Howlgallo Wado Furis Ah
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo weli ku ...
DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo Kashifay in Wada Hadalo hoose dhex marayaan DF & Alshabaab
- Oct 21, 2018
Afrikada, Muqdisho:  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markale Dowlada Soomaaliya ku weeraray inay ka ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->