Subscribe

Maxay Cirbixiyeenku ku sheegeen Dhagaxa NIBIRU Ee Soo Burburiyey Xidigga Mars+khatarta Uu soo wado Maxay Tahay?

Cirbixiyeenkii Seerbiyaanka ahaa ee ka nixiyey cirbixiyeennada kale ee reer Galbeedka ayaa hadalkiisa dad badani ku raad joogaan.

Waxaa la arkay calaamado muujinaya in astronomer Milorad B. Protić wixii uu ka sheegay dhulka ay tartiib tartiib u soo muuqanayaan wax yar kadib markii NASA oo ah wakaaladda cirbixiyeenka Mareykanku ay aqoonsan weyday taladii ninkaasu soo jeediyay ee uu wax badan ka qoray in adduunyada aynu ku noolnahay uu ku soo leexan karo Dhagax weyne la yiraahdo NIBIRU.

Haatan ayaa cilmu darseyaasha dhulalka fog fog wax ka qora waxa ay ka cabanayaan dhagaxa ama planet-ka lagu magacaabo NIBIRU, haddiise ay cabashadoodu run noqoto ayaa waxaa isbedelaya dhismaha dunida iyadoo aynan bani’aadamku awood ulaheyn in ay iska celiyaan.

Sawiro laga qaaday Mars Oo ay sheegayaan Saynisyahannadu in waayo hore lagu noolaan jirey..

Waxa ay culumadu sheegayaan in dhagaxani yahay burburiye hore u soo burburiyay dhulal kale isagoo hadba intuu qadkiisa ka baxo ku dhaca kana soo booda dhulalka kale sida MARS oo kale.

NASA waxa ay ku adkeysaneysaa Nibiru aanu jirin. Laakiin dadka aaminsan jiritaanja Nibiru waxa ay ku qeylo dhaaminayaan in NASA ay wax badan qarineyso si dadweynuhu aaney nolosha uga quusanin loona sameeyo aadmiga meelo xajmi adag oo ay uga gabadaan musiibadan dabiiciga ah.

READ  SAWIRRO:Maxkamadda Jubaland Oo Xukuntay Kadibna Tiirka Geysay Gacan-Ku Dhiigelayaal

Waraaqo laga helay xusuus qorka u qaaska ahaa saynisyahanka xidigiska ee Protić waxa ay sheeyayaan in dhulka Mars uu ahaan jirey meel ay ku yaaleen bado waaweyn, harooyin iyo webiyo qarniyo ka hor.

Waxa uu sheegay in ay aheyd saameyntii xooganeyd ee dhagax dhuleedka Nibiru midda Maars ka dhigtay dhul gubtay oo qalalan.

Saynisyahan Protić xataa waxa uu cayinay in cuqubada ku habsatay dhulkaas ay soo wajahi karto dhulkan aynu ku dul nool nahay, marka ay tani dhacdana dhulku balaanbali karo lana kulmi karo burbur soo wajaha dhulkani weli nimcada hadda heysta ee nooleyaasha kala nooca ah ku dhaqanyihiin.

Xusuus qorkiisa waxaa sidoo kale ku jira in Nibiru yahay dhagax kafee ah oo dhib badan isagoo soo sameeyay gaafwareeg iyo daandaansi uu dhulalka kale soo dulmeero si ka baxsan qadka (orbit) ee nidaamka anshaxa leh ee meere waliba iskii ugu socdo, Nibiru waxa uu heystaa xiddigo kale oo isagu gano waana 3,600 jir cuti ah.

Xitaa inkastoo caalinkani dhanka xiddigisku uu sanado badan noloshiisa ku dhameystay dersitaanka dhaqdhaqaaqa xiddigga Nibiru hadana weli ma uusan ka sheegin goobaha shacabka ee uu ka qudbeeyn jirey.

Waxa uu sheegay in markii ugu dambeysay ee meeraha Nibiru soo agmaro dhulkan ay aheyd 1580 ka hor dhalashadii nebi Ciise kolkaas oo meeraha Nibiru ka soo baxay mugdiga isaga oo soo wajahay habka isgaafwareegga dayaxa, qorraxda, venus, jupiter, Mars, iyo kuwa kale ee qorraxda ku gaafwareega. (Solar system).

READ  Askar Dhar Cad Ah Oo Loo Diyaarinayo Kor Kala Socoshada Ciidanka Dowladda “Akhriso”

Cirbixiyeenkani ayaa ku doodaya in Mars ay nolol ka jirtey samaan hore waxa noloshaasi la burburtayna ay tahay saameyn uu ku yeeshay meeraha NIBIRU.


Saynisyahankani ayaa geeriyooday bishii Oktoobar 29, 200-dii isagoo kolkaaascahaa agaasimaha ahaa Belgrade observatory, waxaana uu baaritaano ku sameyn jirey dhagxaanta iyo dhulalka yar yar.

Cilmi baareyaal kale ayaa isku raacay in saadaasha laga sheegay warbaahinta caalamka oo dhan waxaana meerayaasha khatarta ah ee uu ka mid yahay NIBIRU uu dhulka u soo muuqan doonaa sanadkan aynu ku jirno inta u dhaxeysa bilaha June iyo December 2018.

Culimada diinta Kirishtanka waxa ay ku doodayaan marka NIBIRU soo dhowaado in uu dunida badi doono xasillooni darro socon doonta 7 sano oo isku xigta waxaana dhici kara sanadahaas in ay kor ujacaan tirada fatahaadaha waaweyn ee Suunaamiga, Voolkaaooyinka Buuraleyda iyo dhul-gariirro.

Intaa kadib, dad badan oo diimo kala duwan heysta ayaa bilaabay in ay sheegaan in Dayax Madoobaadka dhici doona bishan Luulyo 27keeda tilmaan u yahay khatar. Dhammaad ah
oo dunidu wajahi karto.

Waxa sidoo kale ay baareyaashu odorasayaan in Dayaxa Guduudan ee 27-ka madoobaanaya uu noqon karo baalkii ugu dambeeyay ee nolosha aadmiga.

READ  Al-Shabaab Oo Badda Iyo Beriga Ka Weeraray degmada Baraawe+Weeraray Hub u Wadey ciidanka AMISOM

Culimadan oo u badan baareyaal ayaa saadaalinaya musiibooyinka Nibiru ay markii ugu dambeysay ee wax laga qoray ay aheyd sanadii 1976 kolkaasi oo qoraagii Zecharia Sitchin uu sheegay in 2 qowmiyadood oo ku noolaan jirtey dhulka Barriga Dhexe lana kala oran jirey Babylonians iyo Sumerians – ay ka sheekeyn jireen in uu jiro dhagax weyn oo xidig ahi kaasi oo hal mar ku meereeysta qorraxda 3,600 oo sanoba mar.

Saynisyahanka xidigiska ee isbd-bedellada hawada sare wax ka yaqaan Nancy Lieder waxa ay ka digtay in Nibiru hertin doono dunida.

Hadalkan sida isdaba-joogga ah u soo yeeray ayaa ka qosliyey bulshada sayniska wax ka barata.

Laakiin waxa ay tixgeliyeen falsafadda qiyaaseed ee xiddigisyahankan oo iyadu wax ka dhigta machadka California Institute of Technology, iyadoo machadkuna ku dhawaaqay in ay hayaan cadeymo muujinaya xaqiiqada in dhul aad u weyn oo kale uu jiro kaasi oo ku wareegaaleysta ‘Wareegga Qoraxda ee Solar Systemka, dhulka NIBIRU ayey sheegeen in uu 10 meelood ka weyn yahay dhulka aynu ku nool nahay.

Waaxda cirbixiyeenka NASA waa ay diiday dhammaan cilimi baaristani iyaga oo ku tilmaamay in aysan sidaasi wax u jirin oo ay NASA iyadu aaminsan tahay siyaabo kale.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DAAWO: Dowladda Oo Ciidamo Wata Gaadiidka Dagaalka U Dirtay Gobolka Shabeellada Dhexe
- Aug 16, 2018
Afrikada, Shabeellooyinka:   Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo Xooggan iyo Dabaabaadka Dagaalka u daabushay ...
DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka iyo Soomaaliya 15/08/2018
- Aug 16, 2018
Akhristeyaasha ku tixan Shabakadda Afrikada.com Ee ku sugan Daafaha Caalamka waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa ...
Guusha Ilhaan Cumar Oo Soomaalida Dhiirigelin weyn u noqotay?
- Aug 16, 2018
Afrikada, Minnesota: Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay isreebreebka musharraxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee mid ka ...
Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmay guddiga dhaqaalaha Qaranka
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulan la ...
Wasiir Beyle: “Ma Jirto Lacag Sharcidarro Lagu Siiyey Xildhibaanada Baarlamaanka”
- Aug 15, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa sheegay in marnaba ...
%d bloggers like this: