Donald Trump Oo ku Goodiyay in uu Soo afjari doono kacdoonnada ka jira Qaaradda Afrika+ Al-Shabaab Oo aad U naxsan | Afrikada

Donald Trump Oo ku Goodiyay in uu Soo afjari doono kacdoonnada ka jira Qaaradda Afrika+ Al-Shabaab Oo aad U naxsan

Afrikada, Brussels: Warar hor leh ayaa ka soo baxaya qudbadii madaxweynaha Mareykanku ka jeediyay shirka quwadaha isbaheysiga NATO halkaasi oo loogu goodiyay ururada argagixisada rabshadaha wada in Mareykanku soo weerari doono.

Donald Trump ayaa axdi ku maray in uu kaalmo ka geysan doono soo afjaridda dagaallada rabshadaha wata ee ka soconaya qaaradda Afrika.

“Afrika waqtiga hadda la joogo dhibaato ayey ku jirtaa, dad yar ayaa dareemi kara” ayaa uu yiri xilli shir jaraa’id ay qabteen xubnaha kalfadhiga NATO.

“Waa murugo, waa fowdo xun” ayuu yiri isaga oo balan ku maray in uu hadafkiisu noqon doono in uu dib u dhiso milleteriga Mareykanka si ay nabad uga dhaliyaan qaaradda Afrika.

Mareykanka waxaa Afrika ka fadhiya ciidammo la dirira argagixisada isla markaasina tababarro u fidiya ciidammada dowladaha wadamada Saxaraha Ka hooseeya, si ay u xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha mintidiinta ee Boko Xaraam iyo Al Shabaab.

72-jirkan hogaamiya Mareykanka ayaa ka hadlayey shir 2 beri socdey oo lagu qabtay caasimadda dalka Begium ee Brussels.

READ MORE:  DHAGEYSO: Khamri maanta lagu Qabtay Dekadda magaalada Muqdisho

Halkaasi oo uu sheegay in xulufada gaashaanbuurta NATO ay fekerkaasi ku raacsan yihiin oo ay bixin doonaan hantida ku baxda dagaalkani cusub.

‘Waxaanu rabnaa nabad ka dhacda Afrika’ ayuu yiri mar uu u jawaabayey weriye Tuniisiyaan ah oo u cayimay in ay abaal u hayaan ficillada Mareykanka ee Waqooyiga Afrika halkaasi oo Mareykanku hilfaha u qaado ururo mintidiin ah oo ka howlgala gobolkaasi.

Madaxweyne Trump ayaa yiri: “Bal ka warana haddii qaarada Afrika ay ka soconayaan wax uusan midkiina maleysan karin”

“Ka warama waxyaalaha sirdoonkeygu ii soo sheegayo haddii ay yihiin kuwo murugo iyo qaxar leh, ayuu yiri.

“Annagu nabad ayaan ka rabnaa Afrika nabad ayaan ka dooneynaa caalamka oo dhan taasina waa ujeedkeyga 1aad. Waxaanu dhiseynaa quwad wayn oo ciidan sababtoo ah waxaan aaminsanahay in ciidan xoog weyn wax qaban karo.

Mr Trump ayaa intaa ku daray in Mareykanku uu yeelan doono cudud ciidan oo aan weligeed hore indho loo saarin.

Hase yeeshee arrimahani goodinta iyo hanjabaadaha isugu jira ayaa lagu jeexjeexay baraha bulshada iyadoo dadku isweydiinayaan heerka ay gaarsiisan tahay rajada uu ka qabi karo in uu gumeysi cusub ku soo celiyo qaaradda Afrika.

READ MORE:  Museveni Oo ku amray Hey'adda Canshuuraadka Uganda in ay dusha kala socoto wicitaanka taleefanada iyo la bixitaanka lacagaha ee dhanka bankiyada

Cambaareynta dadweynaha Afrikaanka ayaa waxaa ay uga faaloodeen ereygii naceybku ku dheehnaa ee uu Afrika ku sifeeyay in ay tahay meel Bulaacad ah ama “shithole.”

Bartiisa twitter-ka ayaa si toos ah jawaabo indhaha loo saarayey iyadoo weriye u dhashay wadanka Kenya uu ku yiri ” Waxaad tahay jaahil aan waxba ka ogeyn in Afrika ka kooban tahay 54 wadan oo midba midka kale ka daran yahay.

Twitter kale ayaa ku yiri: “toogashadii ka dhacday iskuulka Mareykanku ma uusan aheyn miyaa argagax iyo fowdo lana mid ah kuwa Afrika? ama meel kale oo dunida ah?”

Si kataba, weriyaha BBC qeybteeda tebisa wararka Afrika Alastair Leithead ayaa sheegaya in Mareykanka ciidamada ka fadhiya ay gaarayaan 7,000 saraakiil militari ah iyo sidoo kale 34 saldhigyo shaqsiyaad Mareykan ah ku leeyihiin qaaradda gudaheeda si loo ballaariyo howlgallada muqaabaraadka iyo saldhigyada sirdoonka qalabeysan ee fadhiya qaaradda.

Sanadkii tegay 4 Mareykan ah ayaa lagu dilay wadanka Niger.

Waxaana warbixintu dhigeysaa in Mareykanka qaaradda si toos ah loogula diririray 25 sano ka hor xilligaasi oo ahaa markii ugu darneyd ebid ee Mareykanku waayo nolosha askartii ugu badneyd ee uga le’ata qaaradda Afrika xilligaas oo lagu tilmaamay waagii “Black Hawk Down” ee Soomaaliya 25 sano ka hor oo weli quluubta madaxda Mareykanka ka sii guuxeysa.

READ MORE:  DAAWO Madaxwynaha Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha dalka Turkiga

Tarjumaadii Burhaan Awfaarax (Weriye Piccolo)

Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay DOKUMENT
- Dec 31, 2018
Afrikada, Puntland: Xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka ee Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay 66-da ...
Dad badan oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Al-Fanaan Kooshin Yare
- Dec 31, 2018
Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Maxamed Koohsin (Kooshin Yare). ...
WARBIXINTA SANADKA 2018: Soomaalidu Wax Weyn ayey ku weysay ka hor imaatinka SHAREECADA ISLAAMKA, Tanina wey Ogtahay Laakiin Waxbaa ka hortaagan?!!!
- Dec 30, 2018
Afrikada, Muqdisho: Waa la wareersaday, waana laga sii darayaa marba marka ka dambeysa, lama kala ...
Mahad Salaad Oo digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka
- Dec 28, 2018
Afrikada, Muqdisho: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno ...
DAAWO: Xaruntii Sheekh C/Weli Oo Dib boorka laga jafay iyo Qoob ka Cayaar ka daran Kii hore?
- Dec 28, 2018
Afrikada, Gaalkacyo: Waxaa mar kale dib boorka looga jafay xaruntii uu ka geeriyooday marxuum ...
%d bloggers like this:
!-- Google Tag Manager (noscript) -->