Mareykanka Oo safiir cusub U soo magacaabay dalka Soomaaliya
Afrikada, Washington: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliya u soo magacaabay danjire asalkiisu ka soo jeedo wadamada indhoyarta.
Soo magacaabistan ayaa imaaneeysa kadib markii safiirkii hore ee Stephen Schwartz uu isaga tegay shaqada Soomaaliya.
Danjiraha cusub ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabaa Donald Yukio Yamamoto waana 65 jir ruug cadaa ku xeel dheer arrimaha gobolkani.
Yukio Yamamoto ayaa ahaa Kusimaha Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, waxaa uu horay u soo noqday safiirka Mareykanka u fadhiyay Addis Ababa sanadihii 2006-2009.
Sidoo kale waxaa uu soo noqday Safiirka Jabuuti sanadihii 2000 illaa 2003-dii, waxaa kaloo Safiir KMG uu ka soo noqday dalka Eritrea sanadihii 1997-1998.
Magacaabidan ayaa hirgaleysa marka uu waraaqaha danjirenimo ka aqbalo madaxweyne Farmaajo.
Hore waxaa Muqdisho uga cararay danjireyaal tiro ah oo Mareykanku u soo diray Soomaaliya. Qaar ayaa mar marsiiyo jirrooyin ah sheegtay halka kuwo kalena ay toos u cadeeyeen in uusan amnigooda sugnayn oo meeshu tahay isbiimeyn iyo xaalad colaadeed oon loo adkeysan karin.
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<