M/weyne Farmaajo Oo tacsi u diray ehelkii uu ka baxay Marxuum Dr. Food Cadde
Afrikada, Muqdisho: Madaxweyne Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid, Alle ha u naxariistee, Dr. Axmed Maxamed Xasan Food Cadde oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in raadka uu Dr. Food Cadde ku reebay hawlaha samafalka caafimaad ee dalka uu yahay mid dhaxalgal ah maaddaama uu ka mid ahaa asaasayaasha Ururka Bisha Cas, isla markaasna uu dalka ka soo shaqeeyey waqtiyo adag.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba waxaan murugada iyo tiiraanyada geerida marxuum Dr Axmed Maxamed Xasan la wadaagayaa qoyskiisa, ehelladiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu ka abaalmariyo wanaaggii iyo shaqadii uu u soo qabtay shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynuhu.
“Marxuum Dr. Axmed Maxamed Xasan Food Cadde waxa uu ahaa shaqsi jecel waddankiisa, aqoontiisana kaga qeyb qaatay samatabixinta dadkiisa, isagoona ka mid ahaa dhakhaatiirtii Soomaaliyeed ee ugu horreysay oo ku takhasusa cudurrada wadnaha.” ayaa uu intaa raaciyey m/weyne Farmaajo.
Warbaahinta Afrikada kala soo Xiriir Email-ka afrikada.com@gmail.com
<