DAAWO: Kheyre Oo U khudbeynaya “Ciidamo Cabsi Darteed Xero Ku Dhex Wareegaya Xilli Al-Shabaab ay Leedahay “Car Kaalaya Banaanka Iskeena+Xerada ka soo baxa”

Afrikada, Muqdisho: R/Wasaare Kheyre ayaa isaga oo aad u careysan oo indhihiisu ay ka muuqdaan ‘Ciil Iyo Catow’ siyaado ah waxa uu u khudbeeyay ciidan ka tirsan kuwa dowladda Federaalka.

Ciidanka ayaa iska gaardinaya xilli aan la ogeyn sababta ay wadanka uga nadiifin la yihiin kooxaha Al-Shabaab Oo heysta gobollo iyo degmooyin muhiim ah. Ciidammada sidoo kale lama oga waxa ‘ku dhegan’, waxaana loogu yimaadaa meelaha ay degan yihiin iyada oo jugta lagu dhufanayo ay tahay mid aan la garan karin sababta ay ugu dulqaadanayaan.

Waqtigan lagu jiro cunaqabateynta hubka waa laga qaaday Soomaaliya waxana dowladda ay heysataa hub badan iyo rasaas. Waxaa kale oo jirta in ay ciidammadani gaardinaya ee aynu daawaneyno ay heysato cuqubo la yaab leh iyaga oo dhaafi la’ tuulooyinka gobollada Shabeellooyinka, halkaasi oo ay xitaa ciidammada AMISOM ku rafaadsan yihiin iyadoo kaneeco iyo dhiiqo lugaha kula jira.

Maxaa ku dheggan ciidammadan oo ay hore ugu dhaqaaqi la’ yihiin?

Ciidammadan waa uun la isku keenay, balse waxa ay u kala qeybsan yihiiin dhexdooda Qabiil iyo jufo jufo. Ma jirto labo nin oo raalli isaga ah in ay naftooda u huraan dalkooda.

Madaxda dalka waa ay ogyihiin arrintan, balse waxa ay isku dayaan in ay mideeyaan ciidanka, balse tani waxa ay qaadan doontaa waqti badan.

Indhaha hogaamiyeyaasha waxaa ka muuqda cuqdad ay dadkooda u qabaan, Balse Soomaalida ayaa ah dad madax adag oo muddo badan ku soo jirey maamul la’aan.

Ciidanka haddii lagu wareejiyo xeryaha AMISOM ee gobollada waxaan shaki ku jirin in ay qabiil dabada la galayaan Al-Shabaabna waxaa ay xasuuqi doontaa ciidankaan haddii ay gobollada xeryahooda degaan.

Sidaa awgeed, cabsidan ayaa keentay in ay xero Muqdisho dhexdeeda ah marna ku dhex gaardiyaan, marna ay heeso iska camirtaan. Xabaddu waxa ay ka socotaa gobollada dalka, iyadoo mar marna madaxtooyada loogu yimaado madaxda sar sare halkaasi oo Hoteellada Hurdada looga kiciyo dhawaqa rasaasta iyo hubka culus.

Waa run in dowladda ciidamo ka tirsan oo ‘Wadaniyiin ah ay jiraan” waxaana loo dhacaa meelaha ay Shabaabku joogaan mar mar, halkaasi oo iyaga laftooda hilfaha loogu soo qaado weeraro gaadmo ah. Hase yeeshee xisaabta ku darto xilliyadaasi waa dhif dhif ciidanka dowladdana markaas waxaa wehliya ciidammo Mareykan ah oo kumaandoos ah?!!

Ciidanka Soomaaliya weligood weerar keligood ah ma gelin, ma jirto hal gobol oo ay keligood heystaan oo ay ka maarmaan ciidamo shisheeye in ay la joogaan degaannadaasi. Tani oo aad moodo in farogelin shisheeye ay  jirto oo siyaasad ahaan laga dhowrayo in ay is-debaraan nimankani. Xitaa haddii ay u kala jajaban yihiin Qabaa’il weli ciidanka Soomaalidu waxaa loola socdaa si hoose, iyadoo aysan jirin guutooyin iskood Al-Shabaab wejiga u siin kara.

Allow Yaa yiraahda Qabiil Qabiil isaga Hor imaada, Waxaa la arki lahaa Dad Xuduudka looga soo Harayo?

Ogow akhristow beentu waa xaaraan. Waxaanu ognahay in Soomaalida haddii la dhihi lahaa Qabiil Qabiil isaga hor imaada in ay mar hore digada iska dhigi lahaayeen. Qabyaalladda ayaana ay ka jecel yihiin wadaninimada. Marka uu Qabiil u dirirayo waxaad moodaa in la yiri ‘Janadii ayaa kaa horeysa’ Balse marka la yiraahdo u dagaalan wadankaaga waxaa uu dib ugu noqonayaa magaalada si uu bariiska u cuno, ama xero ugu jiro.’ Ma jirto Odayaal qabaa’il oo u sheegaya raggani in ay wadankooda difaacdaan dowladdoodana u dagaalamaan.

Haddii la dhihi lahaa Qabiil reer Hebel hala sifeeyo, waxa aad maqleysaa Qabiil hebel waa la ‘isir tiray’ Gala Bakaaraha ayaa ka dhacday, Faqashta laaya ayaa ka dhacday, Hogaamiye hebel ayaa lagu goobtay. Markaas oo ay meel walba habar waliba ka buraanburto, nin walibana qorigiisa garabka ku qaato. Hadaba maxaa u diidan in ay qoryahooda wada qaataan oo ay wadada Afgooye aadaan shacabka Muqdisho? Maxaa ka hortaagan in ay Al-shabaab la diriraan ama ay si kal iyo Laab ah ay ugu dhintaan dagaalkan ahliga ah? Sababta lama oga.!!

Akhristow, wadamada deriskeenna ah, waa heshiiyeen, annaga ayaa soo harnay?

Raila Odinga iyo Uhuru, ilaa itoobiya iyo Eritrea oo sidaan ogeyn isugu rafaaday waxaa maanta nin waliba cafinayaa ninka kale, isagoo aan u eegayn in uu Muslim yahay ama aan u eegayn in uu gaal yahay amaba aan qabiil u fiirineynin ayuu mid waliba kan kale cafinayaa. Waxaa cabsi ka taagan tahay in colaada ay ka heshiinayaan ay dhinaca Soomaaliya u soo badato haddii aysan kuwa ceebta lagu reebayo (Soomaalida) aysan deg deg iyaguna uga tashan.

Ceebtu waxa ay isku buurataa hal dhinac, waa habaar iyo doc isaga leexin wixii xun oo dhan. Hadaba haddii Geeska iyo Bariga Afrika uu heshiis iyo is-bariidin ka dhacdo -Maxay kuwani ku dambeyn doonaan? Soomaaliya waxaanu hubnaa in aysan lacag la’aanka dhici doonin, gurmad la’aan ma ahana doonno oo saaxiibo ayaa ku soo booqan doona, balse ma heli doonto nabad waarta haddii aysan iyadu gacnaheeda ku keensanin -Sida ay taariikhdu ina bartay waayihii la soo dhaafay.

Waxaa kale oo jirta in haddii aan la arkin ciidan gobollada isaga gooshaya, in aysan shacabku aamini doonin ciidanka dowladda. Ciidammada ayaa laga doonaya in ay maalinba magaalo hor leh xoreeyaan, si la mid ah sidii ay yeeli jireen dagaaladii Sokeeye oo ay hubka culus iskula dhici jireen, maxaa u diiday in ay sidaasi oo kale naftooda u huraan???

Haddii aysan sidaasi yeelin waxaa marag ma doonto ah, in loogu soo geli doono xeryaha ay ku wareegaysanayaan, oo ay halkaasi ‘Xoogga ay Hagranayaan lagu leefi doono har Cad” sababtoo ah laaluush iyo Khiyaano ayaa leyn doona dhammaantood.

Odayaasha Dhaqanka iyo xiriirintooda waxaa ay ahaan jirtey mid muhiim ah:

Sidii waayihii hore dhici jirtey dadka dowladnimada Soomaalida maanta haya lama shiraan hogaamiye dhaqameedka iyo odayaasha qabaa’ilka. Hogaamiyeyaashii hore madaxda qabaa’ilka ayaa si waadax ah ula shiri jireen si looga dhowrsado in dhallinyarada la hilmaamo.

Odayaashaasi heshiisyada lala galo ayaa lagu xalin jirey arrimaha gobollada iyo tuulooyinka, maadaama waxa dagaalladama ay u badan yihiin xoolaleyn iyo beeraley kuwaasi oo aanu badarka iyo hilibku ka go’in mana waayaan dadka duur-joogtu wax ay cunaan oo waa dad isku tashada. Hadaba la shiritaanka iyo u cid dirista odayaasha dhaqanku waa siyaasad soo jireen ah oo waayihii hore lagu dhaqmi jirey, waxaana xitaa arrintan sameyn jirey hogaamiye kooxeedyadii Xamar ka talin jirey.

Sida aynu ognahay siyaasiga maanta noo jooga waa qof ka yimid Qurbe, ama magaaalo wax ku bartay oo cilmi siyaasadeed iyo howlo kale ku takhasusay, sidaasi oo ay tahay waxaa jira arrimo badan oo u baahan in uu diiradda saaro xilliga uu wajahayo siyaasadda iyo horumarka bulsha dhaqameed meel degan. Sida wadammada Afrika ka jirta ‘Odayaasha Dhaqanka’ ayaa loo baahan yahay in ay xaniinyaha laga qabto si taag loogu helo loona maamulo bulshada hoos tagta odayaashaasi iyo beelahooda.

Marka loo eego hogaamiyeyaashii talada adkaa waxaa ay u cid diri jireen salaadiinta, cuqaasha, odayaasha, haweenka iyo hogaamiyeyaasha dhaqanka ee beeraleyda iyo xoolaleyda, kuwani waa kuwa ugu dhibka badan ee man-power-ka bulshadu ka timaado. Waxaa ay hogaamiyeyaashani Soomaaliyeed sidoo kale ku tiirsanaayeen xisab ahaan inta hogaamiye dhaqameed ee ay xiriir la leeyihiin, taasi oo u fududeyn jirtey ciidankooda jidadka iyo isku socodka maamulka dowladnimo iyo hey’adeed in ay si dhib la’aan ah isugu gooshaan halka ay ka doonayaan in ay maraan dhulalka howdka ah, magaallooyinka duurka ku yaal, tuulooyinka iyo keymaha dalka.

Maanta marka aad fiiriso…waxaanu aragnaa dowlad la leeyahay magaalo hebel ayey dhaafi la’dahay. Banaadir ayey dhaafi la’dahay, Beydhabo ayay soo dhaafi la’dahay iwm. Tani oo ah nabaad-guur siyaasadeed oo suuliyey maskaxda siyaasiyiinta aynu sheegno in ay na hogaamiyaan.

Gebagebadii dagaalka Mareykanka ka heysta Afgaanistaan marka la eego waxaanu arki karnaa in uu Mareykanku u ilmeeyo in uu helo odayaasha iyo cuqaasha Taalibaan, kuwaasi oo Taalibaanka ay ka ilaaliyaan in uu Mareykanku gaaro. Waxaan kaloo ognahay sida Mareykanku u kasbaday odayaasha dhaqanka ee Ciraaq halkaasi oo ugu dambeys ay muhiim noqotay in odayaasha Ciraaq ay gaaraan heer wadatashi.

Waxaa noo muuqata in maanta hogaamiyeyaasha Soomaalidu aysan muhiimadda siinin in ay odayaasha gobollada Soomaaliya hantaan, taas bedelkeedna waxa gobolladii loo dhiibay niman aan dhaqanka aqoon oo queba-joog ahaan jirey.

Al-Shabaab waxa ay ku tiirsan tahay dhaqaalaha xoolaha iyo beeraha, haddii odayaasha degaannadaasi la biilo waxa ay rabaan la siiyo waxaa khasab noqon doonta in ay dhallinyartooda kala baxaan ururada noocaas ah oo ay dowladda la midoobaan dadka degaanadaasi. Balse wadadee loo mari karaa.???

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




DEG DEG: Oromada Oo hareeraysay 200 Qof Soomaali ah+Soomaalida Oo U Qaxeysa dhanka saldhigyada milleteriga Itoobiya
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:  200 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran degaanka Guji oo ...
AKHRISO: Askari Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Nin shacab ah U dilay Wax ka yar “HAL DOOLAR”
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:   Nin hubeysan oo ku labisnaa dharka ciidamada dowladda ayaa dil ka geystay ...
Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Wakiilka UN-ka Oo gaaray Gaalkacyo SAWIRRO
- Jul 22, 2018
Afrikada, Muqdisho:    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo uu ...
DEG DEG: Wariyeyaasha oo looga yeeray Xarunta Taliska Ciidamada…
- Jul 22, 2018
Afrikada, Garoowe:    Wararka anu ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa ...
DAAWO: Qiso Naxdin iyo Murugo leh: Mayd Nin Nool Dilay Sheeko Cibro Qaadasho leh
- Jul 22, 2018
QISO: Dhacdadani waxay ka dhacday degaanka Janaale ee Soomaaliya, nin wargaleen ah oo dhawr ...
%d bloggers like this: